Ruushka oo fuliyay weerarkii cirka ugu weynaa tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine 

Image

Ruushka ayaa habeenkii xalay weerarkii ugu weynaa ee cirka ku qaaday tan iyo markii uu dagaalka Ukraine ka bilaabmay, sida uu sheegay mas’uul Ukraine u dhashay.

Weerarkan ayaa ahaa “weerarkii ugu baaxadda weynaa ee cirka” ee ka dhan ah Ukraine tan iyo markii duulaanka Ruushka uu billowday bishii Febraayo 2022, ayuu yiri Yuriy Ihnat, madaxa isgaarsiinta ee ciidamada cirka Ukraine, isagoo walaac ka muujiyay diyaaradaha drone iyo noocyada kala duwan ee gantaallada.

Aagag badan ayaa la beegsaday, oo ay ku jiraan galbeedka Ukraine, meel ka fog khadka hore ee dagaalka.

Dowladaha Poland iyo kuwii isbahaysiga la ahaa ayaa diyaarado u diray si ay u sugaan amniga hawada Poland, sida ay sheegtay ciidamada cirka Poland.

Hal qof ayaa ku dhintay weerar drone ah oo ka dhacay gobolka Kherson, sida uu sheegay Guddoomiyaha Oleksandr Prokudin, halka qof kalena uu ku geeriyooday markii drone ku dhacay gaariga gobolka Kharkiv, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Oleh Syniehubov.

Lix qof ayaa ku dhaawacmay Cherkasy, oo ay ku jirto ilmo, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Ihor Taburets. Gobolka Lviv ee galbeedka fog ayaa dab weyn ka kacay warshad magaalada Drohobych ah kadib weerar drone oo sidoo kale koronto ka gooyay qaybo ka mid ah magaalada.

Ciidamada cirka Ukraine ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradaha dagaalka F-16 ee ay Maraykanku siiyeen uu ku dhacay isagoo burburay markii uu dhaawacmay isagoo weerar cirkaa fulinaya, taas oo keentay in duuliyaha uu ku dhinto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM