Sababta Hindiya u diidey joojinta gubista dhuxusha hawada wasakheysa
DELHI- Xitaa iyada oo caasimaddeeda ay qarisay qiiq sun ah, Hindiya ayaa hoggaanka u haysa si ay u wiiqdo ballanqaadyadii ka hortagga gubista dhuxusha ee shirkii COP26, iyada oo khubaradu sheegeen in mudnaanteeda kowaad siinayso koboceeda dhaqaale, iyadoo meel iska dhigtey mustaqbalka aduunka aan ku noolahay.
Hindiya oo ah wadanka sadexaad ee dunida ugu weyn dhinaca sii-deynta wasakhda dhuxusha la gubo ayaa Shiinaha ku raacdey in biyo qabow lagu shubo in heshiis laga gaaro hoos u dhiga shiidaalka fosil shirkii Glasgow, waxayna khasabeen in la helo tanaasul shuruudeysan: heshiis cimilo oo waddammada ku xiraya in hoos loo dhigo istimaalka dhuxusha balse aan Gabi ahaan la joojin.
Iska caabinta Hindiya ee joojinta tamarta wasakhaysan waxaa keenay baahida ay u qabto shidaal raqiis ah si ay u xoojiso dhaqaalaheeda oo ay u baahan yihiin malaayiin muwaadiniinteeda ah si looga saaro fakhriga xididaysan.
"Waxaan leenahay dad aad u tiro badan oo aan weli soo gaarin heerka ugu hooseeya nolosha," Samrat Sengupta, oo ah khabiir ku takhasusay isbeddelka cimilada oo ka tirsan Xarunta Sayniska iyo Deegaanka ee New Delhi, ayaa u sheegtay AFP.
Isticmaalka dhuxusha ayaa ku dhawaad labanlaabmay tobankii sano ee la soo dhaafay - kaliya Shiinaha ayaa gubaya inta ugu badan - halka Hindiya korontada ka timaada dhuxusha la gubo gaareyso 70% .
Dawladdu waxay cagaheeda ku jiiday sharciyo adag oo ku saabsan dhimista dhuxusha la Gubo waxayna sannadkii hore ku dhawaaqday dhowr xaraashyo ganacsi si kor loogu qaado wax soo saarka gudaha ee dhuxusha dhulka laga qodo.
Raiisel wasaare Narendra Modi waxaa ka go'an inuu dalkiisa ka jaro dhuxusha, laakiin wuxuu u sheegay wufuuda Glasgow Hindiya inay hiigsaneyso kaliya inay ahaato kaarboon dhexdhexaad ah 2070-toban sano ka dib Shiinaha iyo 20 sano ka dib dhoofiyeyaasha kale ee waaweyn ee adduunka.
Laakiin iyada oo aan degdeg loo qaadin tallaabo cad, khubaradu waxay ka digayaan qiiqa Hindiya inuu sare u kaco sanadaha soo socda kaas oo wiiqi doona dadaallada adduunka ee lagu doonayo in lagu xakameeyo kulaylka adduunka.
Isla maalintaas ay wufuudda COP26 ay soo gebagebeeyeen heshiiska cimilada adduunka, Delhi waxay xirtey dugsiyadeeda muddo toddobaad ah si carruurta loogu hayo gudaha.
Qiiqa Hawada gala ayaa dusha loo saaraa in dalka Hindiya sanad walba u dhintaan dad gaaraya hal milyan qof halka cilmi-baaris dhowaan Jaamacadda Chicago sameysay ku ogaatay in wasakhowga hawadu ay u badan tahay inay hoos u dhigto rajada nolosha qofka in ka badan sagaal sano taasoo ah afar qof -10kii Hindi ah.
GAROWE ONLINE