Sababta uu Vladimir Putin u diidey in uu yeesho telefoonka gacanta

Image

MOSCOW, Russia – Madaxweyne Vladimir Putin oo u waramay wakaaladda wararka u faafisa dowladdiisa ee TASS ayaa mar kale ka jawaabay hadalheyn xoogan oo isaga ku saabsan.

Ugu horeyn, Putin oo 67-sano jir ah ayaa wuxuu daaha ka rogay in uusan lahayn telefoon gacanta ah.

Hogaamiyahaan ayaa ku adkeystay in uu kaliya isticmaalo telefoonka rasmiga ah ee dowladda, kaasna uu ka waco kaliya lamberadda uu isagu doonayo in uu wada-sheekeysi la yeesho.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Putin uu qirto in uu ka caagan yahay telefoonka caaqilka ee dunida haysta.

Munaasabado kala duwan ayuu ka caddeeyay in go'aankaas uu yahay mid isaga u shaqsi ahaan gaarey.

Kadib cadaadis kaga yimid dadweynaha, sanadkii 2010-kii ayuu sababta ku sheegay "in waqti walba lasoo wacaayo".

Ugu dambeyntii, Putin oo uu damac kaga jiro in uu xafiiska sii joogo ayaa qashinka ku daray sheegashooyinka ku saabsan in uu isticmaalo maas-karo marka ay timaado arrimaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheikh Hasina oo sheegtay inay dib ugu laaban doonto Bangladesh xili inkastoo lagu xukumay dil

Waxay sheegtay inay diyaar u tahay in la xiro ama xitaa la dilo marka ay dalka ku laabato.

  • Caalamka

    10-07-2026

  • 12:38PM

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM