Sacuudiga iyo Imaaraadka oo la joojiyey in hub laga iibiyo

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Talyaaniga ayaa wuxuu joojiyay in kumanaan gantaal uu iibiyo Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta (UAE) sababo la xiriira ku lug lahaanshahooda dagaalka Yemen. Hakintan waa ganaax ku meelgaar ah, sidda ay ku dhawaaqdey xukuumadda Rooma.

"Maanta waxaan ku dhawaaqayaa in dowladdu ay laashay rukhsadihii loo mari lahaa dhoofinta gantaallada iyo bambooyin diyaaradeed oo loo dhoofiyo Sacuudi Carabiya iyo Isutagga Imaaraatka Carabta," ayuu Jimcihii yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga, Luigi Di Maio.

“[Tani] waa ficil aan u aragnay mid mudan iyo farriin cad oo nabadeed oo dalkeenna ka imaanaysa. Anaga ahaan, ixtiraamka xuquuqda aadanaha waa ballanqaad aan la jabin karin," ku daray Di Maio, oo aan soo hadal qaadin Yemen balse tixraacay colaadda halkaas ka jirta markii uu amar ku bixiyay joojinta bilowga ahayd bishii Luulyo, 2019.

Shabakadda Nabadda iyo Hub ka dhigista ee Talyaaniga, oo ah koox olole, ayaa tallaabadaas ku qeexdey mid "taariikhi ah" waxayna qiyaasayaan talaabooyin dheeraad ah si loo badbaadiyo nolosha kumanaan.

Sidda laga soo xigtay kooxdan, hubka la xanibay waa 20,000 gantaal oo qiimahoodu ka badan yahay 400 milyan oo yuuro ($485m) oo Talyaaniga qalinka ku duugay sanadkii 2016-kii.

"[Tani] waxay soo gabagabeyneysaa in hub lagu farsameeyay Talyaaniga ay ku dhacaan guryo ay degan yihiin dad rayid ah ama ay sababaan khasaaro naf iyo maal si lamid ah xaalado bini'aadanimo oo khatar geliya nolosha kumanaan ruux," ayay kooxda ku dartay war-saxaafadeedka.

Xukuumadaha Riyadh iyo Abu Dhabi ayaan illaa haatan wali wax war ah kasoo saarin go’aanka kasoo yeeray dowladda Talyaaniga.

Maamulka cusub ee Joe Biden ayaa todobaadkii hore wuxuu ku dhawaaqay in uu si ku-meel-gaar ah u hakiyey in uu hub ka iibiyo Sacuudiga iyo Mareykanka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uu dib-u-eegis ku sameyn doono amarka hub iibinta oo maamulkii Donald Trump uu bixiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM