Qofkii ugu horeeyay oo Sacuudi Carabiya ugu dhintay Coronavirus

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudi Carabiya ayaa wuxuu xaqiijiyey in dalkaas uu qofkii ugu horeeyay ugu dhintay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Mohammed Abdelali, wasiirka caafimaadka boqortooyadda, ayaa sheegay in geerida ay habeenimadii ka dhacday magaaladda Madiina.

Ruuxa geeriyooday waxaa lagu tilmaamay qof degaanka ah kaasoo u dhashay waddanka Afghanistan isla markaana 51-sano jir ahaa.

Sidda laga soo xigtay Abdelali, ninka dhintay ayaa caafimaadkiisu meeshii ugu hooseysay markii la geliyey qolka xaalada deg-deg ah.

Gudaha Sacuudi Carabiya , kiisaska COVID—19 waxay kor-u-dhaafayaan 700, iyaddoo dhamaantooda ay yihiin kuwa lasoo safriyey.

Xukuumadda Riyadh ayaa joojisay duulimaadyadda caalamiga ah, Cumarada, waxay sidoo kale xirtay goobaha dadku ku kulmaan.

Dhamaan talaabooyinkaas oo ay dunida kala siman tahay Sacuudiga, waxay qeyb ka yihiin ololaha caalamka ee la dagaalanka fayruskaas dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM

Ben Gvir: Heshiiska Trump iyo Iran Ma Khuseeyo Israel, ma hoostagno Washington

Wuxuu xusay in Israa'iil bixin doonto jawaab adag oo rogaal-celis ah, hadii gantaallo lagu soo weeraro.

  • Caalamka

    15-06-2026

  • 12:26PM