Qofkii ugu horeeyay oo Sacuudi Carabiya ugu dhintay Coronavirus

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudi Carabiya ayaa wuxuu xaqiijiyey in dalkaas uu qofkii ugu horeeyay ugu dhintay caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Mohammed Abdelali, wasiirka caafimaadka boqortooyadda, ayaa sheegay in geerida ay habeenimadii ka dhacday magaaladda Madiina.

Ruuxa geeriyooday waxaa lagu tilmaamay qof degaanka ah kaasoo u dhashay waddanka Afghanistan isla markaana 51-sano jir ahaa.

Sidda laga soo xigtay Abdelali, ninka dhintay ayaa caafimaadkiisu meeshii ugu hooseysay markii la geliyey qolka xaalada deg-deg ah.

Gudaha Sacuudi Carabiya , kiisaska COVID—19 waxay kor-u-dhaafayaan 700, iyaddoo dhamaantooda ay yihiin kuwa lasoo safriyey.

Xukuumadda Riyadh ayaa joojisay duulimaadyadda caalamiga ah, Cumarada, waxay sidoo kale xirtay goobaha dadku ku kulmaan.

Dhamaan talaabooyinkaas oo ay dunida kala siman tahay Sacuudiga, waxay qeyb ka yihiin ololaha caalamka ee la dagaalanka fayruskaas dilaaga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM

Trump oo weerar afka ah ku qaaday Elon Musk kadib markii uu dhisay xisbiga cusub ee "American Party"

Muranka ka dhashay miisaaniyadda qarashka dowladda ayaa sababay kala fogaansho weyn oo u dhexeeya Trump iyo Musk.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 05:49AM