Sacuudiga oo Xabsi kasii deynaya Bil-yineer Itoobiyan ah [Akhri Sababta loo xiray]

Image

RIYADH - Sacuudiga ayaa lagu wadaa inuu xabsiga kasii daayo Maxamed Xuseen Al Amoudi, oo ah Bil-yineer Sacuudi-Itoobiyaan ah, kaasoo bishii November la xiray intii ay socdaan Howlgalada ka dhanka ahaa Musuq-maasuqa, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dalkaasi booqasho ku tagey.

Abiy Axmed ayaa tilmaamay in hadalkan shaaciyay maalintii Sabtida kadib markii uu kasoo laabtay safar labo maalin ah oo uu ku tegay Boqortooyada Sacuudiga, halkaasoo uu kula soo kulmay Dhaxal-sugaha Mohammed bin Salman.

Al Amoudi, oo ah wiil ay iska dhaleen Aabo Sacuudiyaan ah iyo Hooyo Itoobiyaan ah, ayaa qeyb ka ahaa 11 Amiiro, Afar wasiiro ah iyo Ganacsato waa weyn oo lagu xiray Sacuudiga, intii uu socday dhaqdhaaq cusub oo Musuq-maasuqa ka dhan ah.

Ninkan ayaa maalgeshiyo xoogan oo dhanka Dhismaha, Beeraha iyo Macdanta ku sameeyay dalal ku yaalla Geeska Afrika, oo Itoobiya ay kamid tahay.

“Xariga hal qof oo Itoobiyaan ah waa Xariga dhamaan Itoobiyaanka. Xariga Sheekh Al Amoudi waa Ajandaha ugu wayn ee dhamaan Itoobiyaanka,” ayuu Abiy ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtey Addis Ababa

“Waxaan gudbinay dalab – Waan hubnaa in dhowaan lasoo dayn doono,” ayuu ku daray hadalkiisa, isagoona kulan balaaran

Mas'uuliyiinta Sucuudiga ayaa diidey warar sheegaya in si xun loola dhaqmay Al Amoundi mudadii xabsiga ku jiray isaga iyo maxaabiista kale, oo uu kamid yahay Alwaleed bin Talal – oo ah maalgashade caalamiga ah oo u dhashay dalkaasi.

Jimcihii, Itoobiya ayaa sidoo kale ku dhawaaqday in Sacuudiga uu ogolaaday inuu sii daayo 1,000 muwaadiniin Itoobiyaan ah oo xabsiga ku jira, kuwaas oo lagu eedeeyay dembiyo kala duwan.

Mas'uuliyiinta xukuumada Riyadh waxay wadaan qorshihii lagu musaafurin lahaa in ka badan 500,000 oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo si sharci ah ku jooga dalkaasi. Illaa iyo hadda, 160,000 ayaa dib loogu celiyay waddankan ku yaalla Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sawirro cusub oo muujinaya burburka weerarrada Iran u geysteen saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe

Mid ka mid ah sawirrada laga qaaday Prince Sultan Air Force Base ee Sacuudi Carabiya…

  • Caalamka

    16-09-2026

  • 08:08AM

Mareykanka oo qirtay khasaaraha kasoo gaaray dagaalka Iran

Si kastaba, khubaro ayaa qiyaasaya in ay qaadan karto ku dhowaad saddex sano in kaydka gantaallada casriga ah iyo kuwa difaaca cirka.

  • Caalamka

    16-09-2026

  • 07:38AM