Sacuudiga oo xaqiijiyay geerida Khashoggi iyo saraakiil xilka laga qaadey

Image

Boqortooyadda Sacuudiga ayaa xalay oo Jimco ahayd xaqiijisay in Wariye Jamal Khashoggi oo la weysanaa tan iyo 2-dii bishan October lagu dhex dilay gudaha Qunsuliyadda ay ku leeyihiin magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Boqortooyadda Sacuudiga ayaa sheegay in baaritaan la sameeyay ay ku ogaadeen in muwaadinka u dhashay dalkaasi, ee Jamal bin Ahmad Khashoggi uu ku dhintay dagaal isaga iyo shaqsiyaad kala ku dhexmaray Qunsuliyadda.

Sacuudiga ma uusan bixin macluumaad dheeri ah, oo ku saabsan sababta muranka iyo gacan ka hadalka lagu dilay Khashoggi ka dambeysay iyo halka uu ku dambeeyo meydkiisa, oo illaa hadda la ogeyn halka la geeyay.

Wakaaladda Wararka Sacuudiga [SPA], ayaa sheegtay in kiiska Khashoggi uu soo jeetay dareenka Boqortooyadda, iyadoo la xiray 18 qof oo u dhashay dalkaasi, oo ku lug yeeshay dilka wariyaha, waxaana sido kalena xilalka laga qaadey Saraakiil sare.

Digreeto kasoo baxday Boqor Salman ayaa xilkii looga qadey Axmed Al-Assiri, oo ahaa taliye ku xigeenka Sirdoonka dalkaasi, iyo la taliyaha gaarka ee dhaxal sugaha, Maxamed Bin Salman, oo lagu magacaabo Saud Al-Qahtani.

Boqor Salman wuxuu sheegay inuusan waxba kala socon arinta Wariyaha maqan, isagoo markii hore amray in baaritaan lagu sameeyo, waxaana hadda faray in is-bebel lagu sameeyo hogaanka Sirdoonka Sacuudiga.

 Ahmed al-Assiri, Taliye ku xigeenkii Sirdoonka Sacuudiga oo xilka laga qaadey

Wariye Jamal Khashoggi, oo maqaallo ku qori jiray Wargeyska Washingon Post, ayaa 2-dii bishan u ugaley Qunsuliyadda Istanbul, si uu uga soo qaato warqado caddeynaya inuu furey xaaskiisii hore, isagoo doonayay inuu guursado gabar u dhalay Turkiga.

Kiiskiisa Wariyaha ayaa usoo jeeday Sacuudiga cambaareyn xooggan, iyadoo ay ka hadleen madax badan oo ay kamid yihiin kuwa Mareykanka, Faransiiska iyo Turkiga, oo dalbaday baaritaan dhab ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM