Safiir: UAE waxaa ka go'an ilaalinta midnimadda Soomaaliya

Image

BRUSSELS - Danjiraha Imaaraadka u fadhiya Belgium, Midowga Yurub iyo dalka Luxembourg, Maxamed Ciise Al Suweidi, ayaa carabka ku adkeeyay in dowladiisa ay go'an tahay ilaalinta midnimadda, xasiloonida, iyo amaanka dalka Soomaaliya.

Wuxuu soo dhaweeyay heshiiskii ay magaaladda Baydhabo bishii June ee sanadkaan ku kala saxiixdeen madaxda dowladda Federaalka, iyo maamul goboleedyadda, kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo wadashaqeynta dhinacyadda.

"Imaaraadka wuxuu soo dhawaynayaa heshiiska siyaasadeed ee bishii June ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad gobobleedyadda, waxaana ugu baaqaynaa inay sii wadaan wadashaqaynta," ayuu Safiirka raaciyay hadalkiisa .

Al Suweidi, ayaa daboolka ka qaaday in xukuumadda Abu Dubia ay ka go'an tahay inay sii laba jibaarto taageeradda dhinac walba ah oo ay siiso Soomaaliya, isagoo soo dhaweeyay dadaaladda Beesha caalamku ay wadaan ee ku aadan dib u dhiska dalka.

Wuxuu uga digay xukuumadda Muqdisho, dalalka daneeya arrimaha dalka Soomaaliya iyo kuwa gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan caalamka inay ka shaqeeyaan wax walba oo abuuri kara khilaaf iyo dibin-daabo siyaasadeed.

"Waxaan ku boorrinaynaa dalalka gobolka iyo kuwa caalamka iyo sidoo kale dawladda dhexe ee Soomaaliya inay ka fogaato xeeladaha la raadinayo ee abuuri kara kala qeybsanaanta iyo khilaafka," ayuu xusay Al Suweida.

Hadalkaan ayuu Safiirka ka sheegay shirkii arrimaha Soomaaliya ee Brassels, kaasoo laga soo saarey qodobo nuxurka ugu wayn ahaa in Soomaaliya laga taageerayo dhinacyada amniga, dib usoo kabashada iyo kobaca dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WHO: 1.23 milyan oo qof ayaa sanadkii la soo dhaafay ku dhintay TB

Sanadkii la soo dhaafay, $5.9 bilyan ayaa la heli jiray si loogu isticmaalo ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta TB-ga.

  • Caalamka

    13-11-2025

  • 01:15PM

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM