Safiirka cusub Somalia oo u bandhigay Obama waraaqaha aqbalaada

Image

18 September, 2015(GO)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa shalay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad wuxuu waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Somalia u fadhin doona Maraykanka Axmed Ciise Cawad.

Madaxweynaha iyo safiirka ayaa kawada hadlay arrimo la xiriira Somalia iyo qaabkii loo hormarin lahaaa.

Axmed Ciise  Cawad Danjiraha Somalia ee Maraykan ayaa Iddaacada VOA–da u sheegay in Obama daneynayo arrimaha Somalia, isla markaana dhowaan la furi doono safaaradda cusub ee magaalada Washington.

Cawad ayaa badalay Ra'iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo noqday safiir Somalia ee Maraykanka muddo labaatan sano ah ka dib.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM

Sucuudiga: Saddex qof oo ku dhintay weerarro Xuutiyiintu ku qaadeen garoomo diyaaradeed

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkii lagu qaaday…

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 02:40AM