Safiirka dalka Ruushka u fadhiyey Turkiga oo toogasho lagu diley

Image
Image

ANKARA- Safiirka wadanka Ruushka u fadhiya dalka Turkiga  Andrei Karlov ayaa waxaa toogtey qof hubeysan, talabadaan oo la rumeysan yahay in looga soo horjeedo faragalinta dowlada Moscow ku hayso wadanka Syria.

Weerarkaan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmey dad kale maalin kadib markii mudaharadayo looga soo horjeedo dagaalka ciidamada Ruushka ku lug leeyihiin kasoo dowlada Syria dib ugu qabsatey magalada Xaleb.

Safiirka ayaa markii la tooganayey ka qayb galayey bandhig taariikheed dowladiisu ku sameyneysay magaalada Ankara.

Booliska Turkiga ayaa sheegey mar dambe iney dileen qofkii toogashada Gaystey.

Andrei Karlov ayaa markii dhaawaca uu soo gaarey loo qaadey Isbitaalka balse mar dambe ayaa wasarada arimaha dibada Ruushka xaqiijisay inuu u dhintey dhaawacii soo gaarey.

Ninka toogashada sameeyey ayaa ku labisnaa dharka dadka xaflada ka qayb galaya isagoo lasoo baxay bistoolad kuna qaylinaya Syria iyo Xaleb ayaa rasaas la beegaasadey safiirka.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Ciidamada Mareykan ah oo lagu amray inay ka baxaan saldhigga Al Udeid, Qatar

Saldhigga Al Udeid ayaa ah kan ugu weyn ee Mareykanka ka leeyahay Bariga Dhexe, waxaana ku sugan ku dhawaad 10,000 oo askari.

  • Caalamka

    14-01-2026

  • 12:39PM

Ciidanka Suuriya oo ku dhawaaqay in ay guulo ka gaareen dagaalka Aleppo

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidanku “bilaabeen hawlgallo lagu xaqiijinayo ku fidinta madaxbannaanida qaranka.

  • Caalamka

    10-01-2026

  • 08:00AM