Safiirkii Talyaaniga ee DRC oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image

Kinshasa, Dc Congo – Safiirkii Talyaaniga u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), sarkaal booliis Talyaani ah iyo darawalkoodii oo u dhashay Congo ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo lala beegsaday kolonyo ka tirsan Qaramada Midoobay xilli ay marayeen bariga DRC.

Weerarka gaadmada ah ee dhacay Isniintii maanta ayaa lasoo wariyey xilli kolonyada uu la socday Danjire Luca Attanasio ay ka soo safrayeen magaalada Goma si ay u booqdaan mashruuca quudinta barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ee Rutshuru sida ay sheegtay hay'adda Qaramada Midoobay. Waxay intaas ku dartey in dhowr kale oo rakaab ah oo la socday wafdiga ay soo gaareen dhaawacyo intii uu socday weerarka.

Gudoomiyaha gobolka Waqooyiga dhaca ee Kivu, Carly Nzanzu, ayaa u sheegtay Al Jazeera in kolonyadaasi oo ka koobneyd 7 xubnood aysan la socon wax ciidan amaanka ah markii ay weerarku dhacayey.

WFP waxay tibaaxdey inay ka raadinayso macluumaad maamulka deegaanka maadaama weerarka gaadmada ay ka dhacday waddo horay loo baneeyay si loogu safro iyadda oo aan la waddan wax ciidamo ah.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas’uuliyadda falkaas oo lasoo wariyey in uu dhacao abbaare 10:15am waqtiga maxaliga (08:15 GMT).

Wasiirka Arimaha Dibada ee Talyaaniga, Luigi Di Maio, ayaa muujiyay sidda uu uga xun yahay weerarka wuxuuna ka baxay kulan uu kula lahaa Brussels dhigiisa Midowga Yurub si uu xili hore ugu laabto Rome.

"Xaaladaha weerarkan waxashnimada ah wali lama oga, dadaalna looma yareyn doono si loo iftiimiyo waxa dhacay," ayuu yiri Di Maio, isaga oo maamuusaya dhibbanayaasha una duceynaya dadka dhintay.

Bishii Janaayo 1993, Safiirkii Faransiiska, Philippe Bernard, ayaa la dilay intii ay socdeen rabshadaha magaaladda caasimadda ah ee Kinshasa oo ay sababeen ciidamo kasoo horjeeday madaxweynihii hore Mobutu Sese Seke. Dhacdadaas waxay timid xilli waddankaas jahwareer uu wajahayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Iran oo Mareykanka ku kacay $37.5 bilyan, Pentagon-ka oo dalbaday lacag dheeraad ah

Qiyaastii $67 bilyan oo ka mid ah lacagtaas ayaa loogu talagalay howlgalada militariga Mareykanka ee Bariga Dhexe, sida uu sheegay madaxa Pentagon-ka.

  • Caalamka

    22-07-2026

  • 09:30AM

Trump: Iran qiimo culus ayay ku bixin doontaa dilka askarta Mareykanka

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale shaaciyay magacyada laba askari oo lagu dilay dalka Urdun Jimcihii.

  • Caalamka

    21-07-2026

  • 06:56AM