Salva kiir oo saxiixay hishiis

Image

26 August, 2015 (GO)- Madaxweynaha South Sudan Salva Kiir ayaa maanta oo Arbaco ah Qalinka ku duugey hishiis dhexmaraya isaga ninka muhaaradka ah ee ku dagaalamayaan dalkaasi Riek Machar.

Munaasibad ay goob joog ka ahaayeen hogaamiyaasha Africa qeybtood sida Uganda, Kenya iyo Ethiopia ayaa hishiiskaasi ka dhacay.

Riek Machar ayaa isagu hishiiskan ku soo saxiixay Caasumadda Ethiopia asbuucii la soo dhaafey.

QM ayaa horey ugu goodisay hadii uu hishiiskan saxiixi waayo Kiir inay dusha ka saari doonaa Cunaqabateyn, halka hogaamiyaasha Africa laftoodu arintaasi ku cadaadinayeen.

Khilaafka labada hogaamiye ayaa soo bilowdey December 2013,waxaan ku dhintey in ka badan 1.6 million oo ruux.

Hishiiska manta ee ka dhacay Casumadda South Sudan ee Jubba waxaa soo dhaweeyay dadka ka soo jeeda dalkaasi, hogaamiyaasha Africa iyo beesha Caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM

Sucuudiga: Saddex qof oo ku dhintay weerarro Xuutiyiintu ku qaadeen garoomo diyaaradeed

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkii lagu qaaday…

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 02:40AM