Sanduuqa madow ee diyaarada Indonesia oo la goobayo

Image
Image
Image
Image
Image

JAKARTA, Indonesia – Sanduuqyada madow ee diyaaradkii rakaabka ahayd ee shalay badda ku dhacdey markii ay ka duushay garoonka diyaaradaha caasimadda Indonesia ee Jakarta ayaa la qoonsaday halka uu yaalo, sidda ay shaaciyeen mas'uuliyiinta maxalliga ah ee dalkaas.

Sidda ay sheegeen masuuliyiinta u dhashay dowlada, ciidamadda badda Indonesia ayaa baadigoobaya goobta, waxaana la rajeynayaan in ay sidda ugu dhaqsiyaha badan kusoo helaan.

Qayb kamid ah burburka diyaaradda iyo jir bini'aadam ayaa lagu waramay in ay kamid yihiin waxyaabaha haatan ka helay.

Diyaaradda Sriwijaya Air Boeing 737 oo sidday 62 rakaab ah ayaa kusii jeeday magaalada Borneo markii la waayey xiriirkeeda.

"Waxaan aqoonsanay meesha ay yaaliin sanduuqyadda madow – labadooduba," ayuu yiri Soerjanto Tjahjono, oo ah madaxa Guddiga Badbaada Gaadiidka Indonesia oo la hadlay AFP.

Soerjanto Tjahjono ayaa wuxuu ku daray: "Darawalada waxay hadda bilaabayaan in ay baadigoobaan. Waxaana rajeynaynaa in aysan waqti badan qaadan doonin in aan dib u helno".

Baareyaasha ayaa rumeysan in agabka illaa haatan la helay ay aaminsan yihiin in ay kala yihiin; cagaha diyaarada iyo garbaheeda.

Indonesia ayaa kamid ah wadamada ay ku badan yihiin shilalka diyaaradda. Diyaarad nooceedu ahaa Boeing 737 MAX oo ay maamusho shirkada Indonesia ee Lion Air ayaa ku burburtay Jakarta 2018, iyadoo ay ku dhinteen dhammaan 189 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM