​Sannad guurada weerarkii Gaarisa oo la xusay

Image

Ardayda wax ka barata Jaamacadda Gaarisa dalka Keyna,  ayaa  maant xus u samaysay sannad guurada koowaad ee ka soo wareegtay weerarkii argagixiso ee lagu dilay 148 kamid ah ardayda jaamcadaasi. 

Xuskan oo la sheegay in ardaydu ku ku xasuusanaysay geeridii ku timi walaahoodi wax la barayay ayay kuu muujiyeen siday ugu xunyihiin falkaasi oo sannad jirsaday. 

Saraakiisha dawladda ayaa sheegay inay ka qeyb galeen xuska tacsi oo dadkii dhintay loo dhigay, iyaga oo la kulmaya dhaleecayn ku saabsan in kaalintoodu ay yareyd, maalmihii weerarka xigay. 

Howlgalkii lagu soo gaba gabaynayay weerarkii Gaarisa ayaa qaaday in kabadan 16 saacadood, waxaana mas'uuliyadda falkaasi lahaa kooxda Shabaab. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM