Dad badan oo ku dhintay doon ku degtay xeebta Jabuuti

Image

Wararka ka imanaya Jabuuti waxay sheegayaan in la helay maydka ilaa 35 ka mid ah dadkii ku dhintay dooni ay la socdeen dad tahriibayaal ah, xeebta Obokh ee dalka Jabuuti maalintii shalay.

Hay’adda socdaalka muhaajiriinta IOM ayaa iyaduna sheegtay in shaqaalaheeda ku sugan Obokh ay soo tebiyeen in lasoo badbaadiyey 16 qof.

Doonta degtay ayaa ka mid ahayd laba doonyood oo la sheegay inay wadeen dad gaadhaya 130 qof oo u socday dalka Yemen.

Sannadkii hore ayey IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 oo tahriibayaal ah.

Sannadkii hore ayey IOM sheegtay inay xeebaha Jabuuti ku dhinteen dad ka badan 150 oo tahriibayaal ah.

 

Related Articles

Iran oo diiday xabbad-joojin ku meel gaar ah

Baqaei ayaa sheegay in Tehran ay gudbisay shuruudo ku saleysan danaha qaranka iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaal.

  • Caalamka

    06-04-2026

  • 04:33PM

Giorgia Meloni iyo Amiirka Qatar oo ka wada hadlay dhibaatada ka dhalatay xirnaanshaha Hormuz

Meloni ayaa booqashadan ku tagtay Qatar maalin Sabti ah, waana joogteeda labaad ee safar ay ku mareyso gobolka oo ka bilowday Sucuudiga.

  • Caalamka

    04-04-2026

  • 06:15PM