Saraakiil boolis ah oo lagu dilay weerar ay dabley ku qaadey kolanyo

Image

MEXICO CITY, Mexico – Ugu yaraan 13 sarkaal boolis ayaa lagu dilay magaaladda Michoacan ee waddanka Mexico, sidda ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Dabley hubeysan oo aan heybtooda la aqoonsan ayaa ka dambeeyay falkan, kuwaasi oo durba meesha ka baxsaday.

Illaa iyo haatan ma cadda sababta ka dambeysay khaarijinta askarta, balse mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in ay baaritaan ku wadaa.

"Kolanyo ay la socdeen xoogaga dowladda ayay kadiyeen…iska hor-imaad ayaa dhacay," ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidamadda.

Dad shacab ah ayaa lagu waramayaa in uu dhaawacyo kasoo gaaray weerarka oo ay si lamid ah ku waxyeeloobeen sagaal sarkaal kale.

Gobolka dhacdadan laga soo wariyey ayaa sooyaal u leh dambiyadda noocaan ah, waxaana dowladdu ku dedaaleysaa sidii ay uga hortagi lahayd.

Mexico oo ah dal ku yaala waqoyga Ameerika ayaa safka hore kaga jirta wadamada ugu badan ee suuq hoose loogu iibiyo maandooriyeyaha.

Mareykanka oo ay deris yihiin ayaa darbi ka dhisaya xuduudka si uu kaga hortago qulqulka soo galootiga iyo maandoriyaha oo dhibaato ku ah nabad-gelyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM