Saraakiil ka tirsan FBI-da Mareykanka oo la khaarijiyey

Image

WASHINGTON, USA – Laba sarkaal oo ka tirsan Hay'adda sirdoonka gudaha waddanka Mareykanka ee FBI ayaa lagu waramay in lagu dilay, tirro kalana ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacdey gobolka Florida, halkaasoo ay ka wadeen howlgal waaran haystay, sidda ay hay’adda ku sheegtay qoraal.

Toogashadda ayaa magaaladda Sunrise waxay ka dhacdey abaare 06:00 waqtiga maxaliga ah. Sidda ay ku waramayaan mas’uuliyiinta ammaanka Mareykanka, Saraakiisha waxay baarayeen kiis xadgudub lagu sameeyay caruur.

Latuhunsane ayaa sidoo kale la dilay. Markii la waydiiyey inta rasaas ee la adeegsaday, bileyska ayaa ku jawaabay "xad malaha lama tirin karo".

Iska-hor-imaadka ayaa ka dhacay aagga ay dadka hodan degaan oo ku taala waqoyga magaaladda loo dalxiis tago ee lagu magacaabo Miami.

"Ciidamadda ammaanka ayaa ku tegay goobta amar ay bixisay maxkamad her federaal ah si ay ula tacaalaan fal-dambiyeedyo la xiriira xadgudub caruur," ayaa lagu yiri war-saxafaadeedka kasoo baxay hay'adda FBI-da.

Warka qoraalka ah ayaa intaas ku daray in laba sarkaal kale ay ku jiraan isbitaal isla markaana xaaladooda ay degan tahay. Wali lama shaacin magacyadda saraakiisha la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen howlgalkaas.

Kiisaska la xiriira xadgudubyadda lagula kaco caruurta ayaa kamid ah dhacdooyinka maalinlaha ah ee maxkamadda Mareykanka ay dhageystaan wallow sanadihii ugu dambeeyay ay hoos ugu dhaceen. Balse, wali ma cadda nooca uu ahaa xadgudubka ay ku geeriyoodeen saraakiisha hay'adda FBI-da.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM