Saraakiil qabtay gacan ku dhiigle Muslimiin laayey oo la abaalmariyey

Image

CHRISTCHURCH, New Zealand – Laba sarkaal oo ka tirsan booliska New Zealand kuwaas oo noloshooda khatar u geliyey qabashadda nin lagu eedeeyay in uu laba Masjid ku dilay 51 qof ayaa lagu abaalmariyey biladda geesinimadda.

Intii lagu guda jiray weerarkii argagixiso ee ka dhanka ahaa Muslimiinta todoba bilood kahor, saraakiisha ayaa waxay si qasab ah ku u joojiyeen gaariga oo marayey waddo ku taala Christchurch, kana soo saarey gacan ku dhiiglaha.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ku guuleystay baajinta weerar kale oo Brenton Tarrant qorsheynayay in uu ku beegsato Masjid kale oo ku yaala Ashburton.

Magacyadda saraakiisha ayaa la khariyey sababo ku aadan in aanan la qoonsan. Balse waxaa gudoonsiisay ra'iisul wasaare Jacinda Ardern kadib munaasabad qaas ah oo ka qabsoontay Madaxtooyadda.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska booliska, saraakiisha ayaa aad ugu faraxsan shaqadda ay qabteen, waxayna sidoo kale ka mahad-celiyeen abaalmarinta qiimaha badan ee la gudoonsiiyey.

Ardern ayaa ku boorisay saraakiisha kale ee ciidanka ka tirsan in ay ku daydaan labadda xubnood oo ay xustay in mudnaan gaar ah la siin doono.

Tarrant, oo xabsi ku jira isla markaana ah 28-sano jir ah cadaan xagjir ah, kaasoo u dhashay Australia ayaa waxaa lagu soo oogay 51-dacwad oo dil ah, 40 eedeymo oo isku day dil ah iyo hal dacwad oo argagixisinimo ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaanka Pakistan oo soo gebagebeeyay safar xal loogu raadinayo dagaalka Bariga Dhexe

Dadaalladan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan uu ka dhashay xiritaanka mar kale ee Marinka Hormuz.

  • Caalamka

    18-04-2026

  • 11:46AM

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM