Saudi Arabia oo Taageertay Dadaallada Trump ee Lagu Joojinayo dagaalka Ukraine 

Image

Riyaadh – Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Sabtidii muujisay taageero buuxda oo ay u hayso dhammaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in si nabad ah lagu xalliyo dagaalka u dhexeeya Ruushka iyo Yukrayn, iyadoo xustay muhiimadda nabad waarta oo labada dal ka dhaxaysa.

War rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada ayaa lagu sheegay in Sacuudigu soo dhoweynayo shirkii dhowaan ka dhacay gobolka Alaska, kaas oo dhexmaray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

“Boqortooyada waxay mar kale xaqiijineysaa taageeradeeda joogtada ah ee wadahadallada diblomaasiyadeed, kuwaas oo ah habka ugu habboon ee lagu xalliyo khilaafaadka iyo murannada caalamiga ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sacuudigu wuxuu horey u muujiyay in uu ka go’an yahay doorkiisa dhexdhexaadinta iyo kor u qaadidda xasiloonida caalamka, gaar ahaan marka ay timaado colaadaha saameynta ballaaran ku yeeshay amniga iyo dhaqaalaha dunida.

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM