Sawirka gabar iyo hooyadeed oo duuliyeyaal ah oo dood dhaliyay

Image

WASHINGTON, US – Sawirka hooyo iyo gabadheed oo duuliyeyaal ah ayaa abuuray dood ku saabsan sida loogu baahan yahay in la helo haween duuliyeyaal ah.

Bishaan Maaj 16-keeda ayuu soo shaac baxay sawirkaan markii ay si wadajir ah u duuliyeen duulimaad magaalooyinka Los Angeles illaa iyo Atlanta ah ee tirsan Mareykanka.

Dr. John R. Watret, oo bare ka ah jamaacadda caanka ah ee Embry-Riddle Aeronautical University kaasi oo muranka abuuray ayaa waxaa ku raacay malaayiin ruux.

Baraha oo qayb ka ahaa rakaabka duulimaadka ay wadeen hooyada iyo gabdheeda ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda wuxuu ku sheegay in aad ugu raaxeystay.

"Waxaan umaleynayaa in ay ahayd arrin cajiib ah," ayuu yiri, isaga oo hadalkiisa ku daray "Aad ayaan u jeclaaday, waxaana rajeynayaa in ay sii jiraan wax badan."

Mr Watret ayaa kasoo laabtay jamaacadda Embry-Riddle Asia faraceeda wadanka Singapore, halkaasi oo uu ku lahaa xiisado uu cashar kasoo sii nayay arday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjiraha Mareykanka u fadhiya Israa’iil oo la kulmay cambaareyn ballaaran

Huckabee ayaa hadalladan ka sheegay wareysi uu la yeeshay weriyaha Mareykanka Tucker…

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 10:13PM

Dalalka Carabta oo cambaareeyay hadalka safiirka Mareykanka ee Israa’iil 

Masar ayaa sidoo kale si adag u diidday isku day kasta oo lagu doonayo in lagu daro Daanta Galbeed ama laga gooyo Marinka Gaza.

  • Caalamka

    21-02-2026

  • 08:33PM