Sawirro cusub oo muujinaya burburka weerarrada Iran u geysteen saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe
WASHINGTON — Sawirro cusub oo markii ugu horreysay la baahiyey ayaa muujinaya burbur baaxad leh oo ka dhashay weerarradii gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran ku qaaday saldhigyo iyo goobo ay ciidamada Mareykanku ku leeyihiin dalal dhowr ah oo Bariga Dhexe ah.
Sawirrada oo ay si gaar ah u heshay CBS News ayaa muujinaya dhismayaal, gaadiid iyo qalab milatari oo waxyeello culus soo gaartay. CBS waxay sheegtay in sawirrada ay u gudbiyeen askar Mareykan ah oo weli shaqada ku jira, kuwaas oo magacyadooda qariyey sababo la xiriira xayiraadaha warbaahinta ee ciidamada.
Mid ka mid ah sawirrada laga qaaday Prince Sultan Air Force Base ee Sacuudi Carabiya ayaa muujinaya diyaarad Boeing E-3 Sentry ah oo si toos ah loo garaacay. Qaybta dambe ee diyaaradda ayaa go’day, halka jirkeeduna gubtay. E-3 Sentry waa diyaarad muhiim u ah Mareykanka oo loo adeegsado digniinta hore, raadaarka iyo la socodka dhaqdhaqaaqyada hawada.
Sawirro kale oo saldhigga laga qaaday ayaa muujinaya dhismayaal iyo xeryo ay ciidamada degganaayeen oo gudaha ka gubtay ama burburay. Waxaa sidoo kale burbur weyn laga soo sheegay Camp Buehring iyo Camp Arifjan ee Kuwait, oo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Warbixin uu toddobaadkan soo saaray Kormeeraha Guud ee Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in khasaaraha qalabka milatari uu gaari karo ilaa $3.7 bilyan, isla markaana ay ku jiraan ku dhowaad 60 diyaaradood. Sida warbixinta lagu sheegay, Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) wuxuu diiwaangeliyey weerarro Iran ay ku qaaday saldhigyo Mareykan ah oo ku yaalla Kuwait, Bahrain, Qatar, Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya, Ciraaq, Cumaan iyo Jordan.
Askari Mareykan ah oo gobolka ku sugan ayaa CBS News u sheegay in heerka burburku ka weyn yahay sida dadweynaha Mareykanka loo tusay, isaga oo dhaliilay awoodda difaaca ee saldhigyada. Hadalkaas waa qiimeynta askariga la hadlay CBS, mana aha qiimeyn rasmi ah oo Pentagon-ka kasoo baxday. CBS waxay sheegtay in Pentagon-ku uusan uga jawaabin codsigeeda faallo ku saabsan sawirrada.
Sawirrada cusub waxay bixinayaan muuqaal faahfaahsan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarrada Iran, xilli dagaalku saameyn ku yeeshay saldhigyada iyo awoodda militari ee Mareykanka ee dalal badan oo Khaliijka iyo Bariga Dhexe ah.
GAROWE ONLINE