Senate-ka Mareykanka oo Ansixiyay Garsoore Brett Kavanaugh

Image

WASHINGTON - Senat-ka Mareykanka ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii ansixiyay Brett Kavanaugh in uu noqdo garsoore ka tirsan maxkamadda sare ee dalkaasi, kadib isbuucyo hareeyay noloshiisa eedeymo la xiriira kufsi iyo in uu yahay qof xanaaq badan.

50 senator, oo mid kaliya uu Dimuqraaddi ka yahay, ayaa ku codeeyay 'Haa,' halka 48 senator oo wada Dimuqraaddi ahna ay 'Maya' ku codeeyeen.

Quburrada ka faallooda siyaasadda, ayaa sheegaya in magacaabista Kavanaugh ee madaxweyne Donald Trump uu u xushey shaqada maxkamadda sare ay maxkamadda sare ka dhigi doonto mid ay ku bataan garsoorrada muxaafadka ah.

Kavanaugh, ayaa ah 53 jir, waxana shaqada loo igmaday ay tahay mid uu joogi karo inta noloshiisa ka dhiman.

Kavanaugh ayaa baddalaya garsoore Anthony Kennedy, oo dhawaan howl-gab ka noqdey howsha shaqada.

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM