Senate-ka Mareykanka oo ansixiyay Safiirka cusub ee Soomaaliya

Image

WASHINGTON - Aqalka Sare [Senate] Mareykanka ayaa insixiyay Safiirka cusub ee Madaxweyne Trump usoo magacaabey dhawaan dalka Soomaaliya, kaasoo lagu magacaabo Donald Yamamoto.

Donald Yamamoto, oo ah danjire rug-cadaa ah, oo in badan kasoo shaqeeyay dalal ku yaalla Africa, oo Mareykanka safiir uga soo noday ayaa waxaa la filayaa inuu dhawaan yimaado Safaaradda dalkiisa ku leeyahay Muqdisho, oo ku taalla gudaha Xerada Xalane.

Safiirka cusub ayaa la magacaabey bishii July ee sanadkan kadib markii uu is-casilay September 2017 Stephen Michael Schwartz oo xafiiska joogay tan iyo July 2016.

Donald Yamamoto ayaa soo noqday Safiirka Mareykanka ee Ethiopia intii u dhaxeysay 2006 iyo 2009, waxa uu mudadaasi kahor soo ahaa safiirka Washington u joogay Djibouti laga soo billaabo 2000 illaa 2003.

Dowladda Mareykanka ayaa xiriirkeeda diblumaasiysadeed ee Soomaaliya dib usoo celisay 2014, markii ugu horeysay mudo 25 sano ah oo kasoo wareegatay markii uu xirtay Safaaradeeda Muqdisho markii ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka.

Washington ayaa kamid ah dowaldaha taageerada siiya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyadoo Mareykanka dalka ay ka joogaan ciidamo gaar ah, oo fuliya howlgallada duqeymaha ah ee lagu beegsanayo hogaamiyayaasha Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM