Senate-ka oo dardargelinaya maxkamadeynta Trump

Image

NEW YORK, USA – Maxkamadeynta labaad ee xil ka qaadista ee Donald Trump ayaa bilaabatay maanta oo Talaado ah iyadoo hogaamiyaasha Senate-ka xeer-dejinta Mareykanka ay isku raaceen jadwal deg-deg ah.

Madaxweynihii hore ayaa loo haystaa "kicinta kacdoon" khudbad uu u jeedinayay taageerayaashiisa ka hor rabshadihii lagu hoobtay ee ka dhacay xarunta baarlamaanka Mareykanka 6-dii Janaayo.

Dimuqraadiyiintu waxay yiraahdaan waxay hayaan "caddeyn" aad u weyn oo ku saabsan dambigiisa halka kooxda difaaca Trump ee qareenadda ah ay sheeganayaan in rabshadaha ay ka madax-banaan yihiin.

Qareenada ayaa maxkamadeynta "mid caqli gal ah oo aan dastuurka waafaqsanayn" sharciyadeedana ay diiradda saari doonto Talaadada.

Mr Trump waa madaxweynaha kaliya ee Mareykan ah ee taariikhda xilka laga qaado labo jeer – midkoodna seddex kamid ah oo gabi ahaanba xilka laga qaaday.

Haddii dambiga lagu helo, waxaa laga horjoogsan karaa inuu markale xafiiska qabto. Laakiin seddex meelood labo dalool oo ka mid ah 100-ka kursi ee Senate-ka ayaa looga baahan yahay in ay xukumaan - Dimuqraadiyiintu waxay hayaan 50 kursi mana muuqato in Jamhuuriyiintu ay kusoo biiri doonan.

Bayaan ka soo baxay maxkamada oo la sii daayay Isniintii ayaa qareenada Mr Trump waxay ku doodeen in maxkamadaynta ay tahay mid aan dastuurka waafaqsanayn "maadaama Mr Trump uu ka tagay xafiiska hadana uu yahay muwaadin gaar ah".

Sagaal mudane oo isku-daba-riday dacwadda xil ka qaadista oo dhamaantooda ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku gacan-seyray dooda qareenadda, waxayna sheegeen in talaabadan la qaadi karo iyadda oo Trump uusan xataa ahayn madaxweyne xafiiska jooga.

Sikastaba ha ahaatee, dhinac kasta wuxuu heli doonaa min afar saacadood oo ay ku difaacdaan doodooda ku saleysan dastuurka Mareykanka kahor inta aan la gelin coddeynta Xildhibaanada Golaha ee kama dambeysta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM

Shilkii Diyaaradeed ee Ka Dhacay Reagan Washington: Khaladaadkii Sababay Dhimashada

Shilkan wuxuu xoojinayaa cabashooyin ay sanado badan muujiyeen duuliyeyaasha…

  • Caalamka

    31-01-2025

  • 02:45PM