Senator Laaluush qaatey oo lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah kadib

Image

New York — Senator-kii hore ee Maraykanka, Bob Menendez, ayaa Arbacadii lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira qaadashada laaluush, oo ay ku jiraan baarar dahab ah, si uu u fuliyo danaha ganacsato reer New Jersey ah iyo dowladda Masar.

Xukunka waxaa riday Garsoore Sidney Stein oo ka tirsan maxkamadda federaalka ee Manhattan, kadib markii Menendez lagu helay danbiyada bishii Luulyo ee la soo dhaafay.

Garsooruhu wuxuu amray in Menendez uu xabsiga galo bisha Juun 6, taasoo fursad u siinaysa inuu ka qeybgalo maxkamadeynta xaaskiisa, Nadine Menendez, oo la filayo in la billaabo bisha Maarso.

"Waxaad ahayd siyaasi awood badan oo guuleystay. Waxaad taagnayd meesha ugu sarreysa ee nidaamka siyaasadda," ayuu yiri Garsoore Stein xilligii xukunka. "Ma garanayo waxa kugu kalifay inaad danbiyadan gasho."

Menendez, oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha xisbiga Dimoqraadiga, wuxuu New Jersey ku matalayay Aqalka Sare ee Maraykanka muddo 18 sano iyo bar ah. Wuxuu sidoo kale guddoomiye ka ahaa guddi muhiim ah oo ka tirsan aqalkaas, gaar ahaan gudiga xiriirka arrimaha dibadda.

Bishii Luulyo, wuxuu noqday senator-kii ugu horreeyay ee Maraykan ah ee lagu helo danbiga ah inuu u shaqeynayay dal shisheeye, kadib markii maxkamad ay ku heshay 16 danbi oo isugu jiray musuq-maasuq, khiyaano iyo laaluush qaadasho.
Menendez, oo 71 jir ah, wuxuu iska casilay xilka Senator nimada bishii Agoosto.

Kahor inta aan xukunka lagu dhawaaqin, wuxuu si murugo leh maxkamadda uga hor sheegay in xukunkii lagu riday uu ahaa cashar adag, isaga oo codsaday in la tixgeliyo waayo-aragnimadiisa iyo sannadaha badan ee uu kusoo qaatay adeegga dadweynaha.

"Qof kale iiga muhiimsan ma jiro qoyskeyga mooyaane, balse waxaan waayay wax kasta oo aan daryeeli jiray," ayuu yiri Menendez. "Nolosheyda oo dhan waxay ahayd adeeg dadweyne, maalin kasta oo aan soo tooso xitaa waxay ii tahay ciqaab."

Xafiiska xeer-ilaaliyaha Manhattan ayaa horey u dalbaday in Menendez lagu xukumo 15 sano oo xabsi ah, iyaga oo ku eedeeyay inuu adeegyo gaar ah u sameeyay Masar, taageero siiyay Qatar, isla markaana faragelin ku sameeyay kiisaska maxkamadeed ee la xiriira ganacsato ay isku xiran yihiin, si uu ugu bedesho laaluush ay ka mid yihiin lacag, dahab, iyo gaari nooca Mercedes-Benz ah.

"Dunida ma jiraan danbiyo badan oo la mid ah kuwa Menendez, marka loo eego xadiga awoodda uu si khaldan u adeegsaday," ayuu yiri xeer-ilaaliyaha Paul Monteleoni.

Kahor inta aan xukunka Menendez lagu dhawaaqin, garsoore Stein wuxuu xabsiga u diray labo ganacsade oo lagu helay danbiyo la xiriira laaluush bixinta.

Fred Daibes ayaa lagu xukumay 7 sano oo xabsi ah, halka Wael Hana lagu xukumay wax ka badan 8 sano.

Qareennada Menendez ayaa horey u dalbaday in la siiyo xabsi aan ka badnayn 2 sano iyo rubuc, iyaga oo daliishanaya da’diisa, adeegga uu u soo qabtay shacabka, shaqooyinkiisa samafalka, iyo burburka dhanka dhaqaale iyo sumcadiisa ah ee uu wajahayo.

Si kastaba ha ahaatee, kadib markii uu arkay xukunada Daibes iyo Hana, qareenkiisa Adam Fee wuxuu bedelay dalabkiisa, isagoo maxkamadda ka codsaday in Menendez aan laga badan 8 sano oo xabsi ah.

Xaaska Menendez, Nadine Menendez, oo iyana lagu eedeeyay musu-qmaasuq, waxaa horey loogu waday in ay maxkamad wajahdo iyadoo la socota ninkeeda, balse kiiskeeda ayaa dib loo dhigay kadib markii qareennadeedu sheegeen in ay u baahan tahay daaweyn kansarka naasaha ah.

Maxkamadeynteeda waxaa la qorsheeyay in ay bilaabato Maarso 18, iyadoo ay horey u sheegtay in aysan wax danbi ah gelin.

REUTERS

Related Articles

Trump Oo Dimuqraadiga Ku Eedeeyay Shilka Diyaaradeed Ee Potomac River

Trump oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in xilligii uu xilka hayay uu sare u qaaday…

  • Caalamka

    30-01-2025

  • 06:27PM

Axmad Al-Sharaa Oo Noqday Madaxweynaha Ku-Meel-Gaarka Ah Ee Suuriya

Qatar, oo taageeraysa maamul cusub, ayaa soo dhawaysay bayaan ay ku sheegtay…

  • Caalamka

    30-01-2025

  • 05:47PM