Senator u geeriyooday safmareenka Coronavirus

Image

WASHINGTON, USA - Senator Ben Chafin oo laga soo doorto gobolka Virginia ayaa u dhintay dhibaatooyin ka yimid safmareenka Coronavirus siidavay ku warantey warbaahinta waddanka Mareykanka.

Chafin, oo ahaa 60-jir, ayaa la dhigay isbitaalka coronavirus laba toddobaad, jariiradda WJHL siddas ayaa werisay.

"Qoyska Senator Chafin waxay uga mahadcelinayaan xarunta caafimaadka ee VCU ee magaalada Richmond sida wanaagsan ee ay u daryeeshay iyo taageerada qalbiga leh mudadii labada todobaad ahayd ee uu halkaas u joogay howlaha caafimaad," ayaa lagu yiri warbixin uu soo saaray xafiiskiisa.

Chafin, oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, waxaa 2013 markii ugu horreysay loo doortay Aqalka Wufuudda ee Virginia.

Sannadkii 2014-kii, waxaa loo doortay inuu noqdo Aqalka Sare [Senate-ka] gobolka. Wuxuu ifka kaga tagay xaaskiisa, Lora Chafin, iyo saddex carruur ah.

Sidda laga soo xigtay WJHL, xafiiskiisu wuxuu sheegay in aan aas rasmi ah loo sameyn doonin Chafin isla markaana dalabkaas uu isagu horey u sameeyay

"Waxaan ku ogaa Ben inuu ahaa sharci yaqaan, qareen, iyo beeralay ku dhaqda lo'da dooxada Moccasin, isagoo ka shaqeynaya dhulka sidii jiilalkii reerkiisa ay sameeyeen isaga ka hor," ayuu yiri Barasaabka Ralph Northam.

Ralph ayaa ku daray: "Wuxuu jeclaa in uu dadka dhex galo. Wuxuu si adag u riixay in shaqooyin iyo maalgashi la keeno degmadiisa, marwalbana waan ku mahadnaqayaa sidda geesinimada leh ee uu ugu ololaleeyay in la ballaariyo daryeelka caafimaadka ee dadka u baahan yahay".

"Waxaan amar ku bixiyey calanka gobolka Virginia in si deg deg ah hoos loogu dhigo si aan u sharafno iyo in nus ka mid ah shaqaalaha ay qoraxda ku sugnaadaan ilaa qorraxdu dhacayso maalintii," ayuu xusay

Wuxuu kusoo xiray "Kani waa war murugo leh oo noogu bilaabanayo sanad cusub iyadoo aan waynay nin naxariis iyo qadarin badan. Waan qaadi karnaa talaabooyin uu midkeena kan kale ku daryeelayo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da oo xirtay Nin kashifay dukumentiyo sirdoon oo laxiriira qorshaha weerar Israel ee Iran

Dukumentiyada maxkamada ayaa tilmaamaya in ninkan uu u shaqaynayay dawladda Maraykanka.

  • Caalamka

    13-11-2024

  • 06:47PM

Trump iyo Biden oo markii ugu horeysay ku kulmaya Oval Office

Mareykanka waxaa caado ah in madaxweynaha xilka ka dagaya uu xafiiska ku casuumo madaxweynaha badalaya.

  • Caalamka

    13-11-2024

  • 10:32AM