Seoul: danjiraha Maraykanka oo mindi lagu weerarey

Image
Image

March 5, 2015 (GO)- Nin mindi ku hubeysnaa ayaa dhaawacay safiirka Maraykanka u jooga magaalada Seoul ee xarunta dalka Koonfurta Kuuriya, Mark Lippert.

Ninka weerarka geystey oo 55jir ah ayaa wejiga iyo gacanta bidix mindi kaga sarey safiirka, xilli uu ku sugnaa goob isaga iyo diblumaasiyiin kale ku quraacanayeen.

Booliska ayaa durbadiiba qabtey ninka oo la sheegay in lagu magacaabo Kim Ki-jong, kaasoo caan ku ah u ololeynta dib u midoobista labada Kuuriya hadda ka horna dhagxiyey safiirka Japan u jooga Seoul.

Madaxweyneyaasha Maraykanka iyo Koonfur Kuuriya; Barack Obama iyo Park Guen-hye ayaa si wadajir ah u cambaareeyey falkan.

Xiriirka Koonfur Kuuriya iyo Maraykanka ayaa ah mid aad u wanaagsan, waxaana xusid mudan in ciidamada labada dal todobaadkan horraantiisii si wadajir ah dhoollatusyo militeri isula sameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Ka Qabsaday Markab Xeebaha Dalka Venezuela

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters iyo Bloomberg ayaa lagu soo warramay…

  • Caalamka

    10-12-2025

  • 09:16PM

Thailand Oo Duqeyn Ka Fulisay Xuduuda Ay La Wadaagto Cambodia

Wasiirka Warfaafinta Cambodia, Neth Pheaktra, ayaa sheegay in dadka ku nool dhowr tuulo oo xuduuda u dhow la daad gureeyay.

  • Caalamka

    08-12-2025

  • 08:03AM