Shacabka Ruushka oo la barayo dhoolacadeynta

Image

MOSCOW - Iyadoo maanta lagu wado inuu dalka Ruushka ka furmo Koobka Aduunka 2018, ayaa waxaa shaqaalaha goobaha dadka lagu soo dhaweeyo ka shaqeeya la barayaa sida martida loogu dhoolacadeeyo.

Malaayiin qof oo ka kala yimid dhamaan dalalka caalamka ayaa u daawasho tegay Koobka Aduunka 2018 kuwaasoo ku gaarey Ruushka Diyaarado, Tareeno iyo Maraakiib, iyagoo ku sugnaan doona wadankaasi inta ay socdaan ciyaaraha.

Sida caadiga ah, dalka Ruushka waxaa mamnuuc ka ah inaad dhoolacadeysi adigoo meel fagaaro ah jooga, waxaana laguu arkayaa inaad maleegeyso qorshe gaar ah, xukun xabsi ah ayaadna ku muteysan kartaa.

Sababta loo mamnuucay dhoolacadeyntu waxay tahay iyadoo dalkaan uu soo maray dhibaatooyin badan oo colaad ah, kuwaasoo ay ku dhinteen Kumaan kun oo Ruushiyaan ah.

Sidaas darteeda, si loo xusuusto mar walba dhibaatadii dalka ku dhacday, waxaa la mamnuucay in lagu dhoolacadeeyo meelaha dadwaynaha, xitaa mas'uuliyiinta dowladda ma dhoolacadeeyaan marka Goobaha bulshada joogaan.

Sikastaba, tani waxay muujinaysaa sida dadka ku nool caalamka ay u yihiin kuwa ku kala duwan dhanka dhaqanka, balse, hadda dalka Ruushka wuxuu isku deyayaan inuu bedalo dhaqankiisa, oo dadkiisa baro dhoolacadeynta.

Koobka Aduunka 2018, oo ay ka qeybgalayaan 32 dal, ayaa waxaa kulanka furitaanka oo dhacaya maanta, waxaana wada dheeli doona furitaanka dalalka Ruushka iyo Sacuudiya, marti badan ayaana lagu casuumay.

Sidan ayay Kooxaha isagu aadayaan qeybta koowaad:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM

Pezeshkian: Iran Isma Dhiibeyso, Mana Aqbalayso Cadaadis iyo Cagajugleyn

Madaxweynaha Iran ayaa hadalkiisa jeediyay xilli xiisadda u dhaxaysa Tehran iyo Washington ay weli taagan tahay.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 06:39AM