Shacabka Ukraine oo kala dooranaya majaajiliste iyo maal-qabeen

Image

KYIV, Ukraine – Shacabka dalkaan ku yaalla bariga qaaradda yar ee Yurub oo dareerayaan goobaha cod-bixinta 12 saacood kadib ayaa dooranaya madaxwaynaha soo aadan.

Murashaxiinta ayaa kala ah; maal-qabeen Petro Poroshenko, madaxwaynaha waqti ka idlaaday, iyo majaajiliste Volodymyr Zelensky oo ku cusub siyaasada.

Kahor cod-bixinta labadooda waxay kasoo muuqdeen fagaaro, halkaasi oo ay ku doodeen markii ugu horeysay.

Volodymyr, oo madaxwayne ka ah TV caan ka ah wadankaasi, ayaa qarka u saaran in uu ku guuleysto tartanka isaga ku sareeya wareega koowaad.

Maxkamad ayaa diiday in doorashada laga mamnuuco Mr Zelensky kadib cabasho ka timid murashaxiinta kale oo wax is-dabamarin ku eedeeyay.

Guuleystaha oo lagu wadaa in lagu dhawaaqo maanta oo Axad ah ayaa noqon doona madaxweynaha shanta sano ee soo aadan.

Jagadaasi ayaa waxaa ay leedahay awood aan caadi ahayn oo ah in uu maamulayo madaxwayne, siyaasada amniga, gaashaandhiga iyo tan arrimaha dibadda oo guud ahaan wadanka Ukraine ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM