Shanta waddan ee dadka ugu badan uu ka dilay fayruska Corona

Image

NEW YORK, US – In ka badan 37,600 qof ayaa guud ahaan caalamka ugu geeriyootey cudurka Covid-19, oo ka dhasha fayruska Corona.

Sidda ay muujineyso warbixintii u dambeysay, kiisaska la diiwaan-geliyey ayaa waxay kor-u-dhaafayaan todoba boqol oo kun.

Dadka ka badbaadey ka gedaal markii ay qaadeen xanuunkaas ayaa aad u hooseysa, taas oo ka dhigan in geeridu badan tahay.

Hadaba, warsidaha Garowe Online ayaa halkaan kuugu soo gudbinaya wadamada uu dadka ugu badan ka galaaftey colkaan qarsoon.

Talyaaniga: 11,591

Spain: 7,716

Shiinaha: 3,305

Faransiiska: 3,024

Mareykanka: 3,003

Sikastaba, waxaa xusid mudan in tiradda geerida ee dalka Mareykanka aynu kasoo xiganay CNN oo kamid ah telefishinka ugu afka dheer.

Intaas waxaa wehlisa, tiradda geerida Shiinaha waxaa ku dhawaaqay Guddiga Caafimaadka Heerka Qaran ee dalkaas dhaca Aasiya.

Wadamada kale waxaa xogtooda soo bandhigtay Jaamacadda Johns Hopkins oo ku taala Mareykanka, taasoo ilo kala duwan kasoo xigatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM

Sucuudiga: Saddex qof oo ku dhintay weerarro Xuutiyiintu ku qaadeen garoomo diyaaradeed

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in weerarkii lagu qaaday…

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 02:40AM