Shiikh dhaliili jirey xag-jirnimada oo Kenya lagu diley

Image

November 5, 2014 (GO)- Wadaad Kenyan ah oo si weyn u dhaliili jirey afkaarta xag-jirnimada ee Ururka Al-shabaab ayaa lagu diley magaalada xeebta ah ee Mombasa.

Wadaadkaas oo lagu magacaabi jirey Saalim Bakari waxaa la toogtey gelinkii dambe ee shalay (Talaado) xilli uu kasoo baxayey masjika Bilaal.

Taliyaha booliska Momabasa Robert Kitur ayaa sheegay in sheekha ay toogteen labo nin oo watey mooto (dhug-dhugley) kuwaasoo durbadiiba goobtaka baxsaday.

" labo nin oo mooto watey ayaa joojiyey mootada, xabad ayey wadaadka ku dhufteen kadibna way baxsadeen" Robert Kitur ayaa yiri isagoo intaas raaciyey " boolisku wuxuu bilaabay hawlgal lagu raad goobayo kuwii dilka geystey.

Ma ahan markii ugu horeysey ee wadaad muslim ah magaalada Mombasa lagu dilo, haseyeeshee dilka Saalim Bakari ayaa afar ka dhigaya tirada wadaadada la diley laga soo bilaabo sanadkii 2012.

Horay waxaa sidan oo kale loogu toogtey saddex shiikh oo lagu kala magacaabi jirey Aboud Rogo Mohammed (2012), Ibrahim Ismail (2013) iyo Abubaker Shariff Ahmed (2014).
.
Laga soo bilaabo sanadkii 2011 markaasoo ciidamada Kenya usoo talaabeen dhanka Soomaaliya si ay ula dagalamaan Al-shabaab, waxaa magaalada Mombasa iyo deegaano kale oo Kenya ka tirsan ka dhacayey weeraro isugu jirey dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Qaar kamid ah mas'uuliyadda weeraradaas waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab. Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ayaa ahaa kii biishii September ee sanadkii hore 2013 lagu qaaday rugta ganacsiga Westgate Mall. Ku dhowaad 70 qof oo rayid u badnaa ayaa weerarkaas ku geeriyoodey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xuutiyiinta Yemen oo diyaarado drones ah ku weeraray Israel

Weerarkan ayaa muujinaya sida xiisadaha siyaasadeed ee gobolka ay u saameeyeen ammaanka Israel iyo wadamada deriska ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 12:57PM

Bariga Quddus: Weerar lagu qaadey Bus ay Israa'iiliyiin la socdeen

Israel ayaa ku dhawaad 2 sano xasuuq kawada magaaladda Gaza, iyado dishay in ka badan 60,000 oo shacab ah.

  • Caalamka

    08-09-2025

  • 09:26AM