Shiinaha: Hal bilyan shaqo ayaan ka abuuri donna Afrika

Image
Maalingelintan ayaa waxaa ku jirta deyn iyo "noocyo kala duwan oo gargaar ah".

BEIJING, China - Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ballan qaaday in uu "ugu yaraan" hal milyan oo shaqo ka abuuri doono Afrika isaga oo doonaya in uu Beijing ka dhigo saaxiibka horumarka ee Koonfurta Caalamka.

Isagoo ka hadlayay Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika Khamiista maanta ah, Xi ayaa sheegay in Beijing ay siin doonto waddamada Afrika $51 bilyan oo ah maalgelin cusub.

Maalingelintan ayaa waxaa ku jirta deyn iyo "noocyo kala duwan oo gargaar ah", iyo inay taageerto 30 mashruuc oo kaabayaasha ah si kor loogu qaado isku xirka qaaradda oo dhan.

Hadalka Xi ayaa imaanaya iyadoo Beijing ay dooneyso inay ballaariso saameynta ay ku leedahay Afrika iyadoo ay sii kordhayaan kala duwanaanshiyaha dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee dalalka reer galbeedka oo uu ku jiro Mareykanka.

Dadaalka Beijing ayaa sidoo kale timid iyadoo dhaqaalaha labaad ee ugu weyn adduunka uu hoos u dhacayo iyada oo ay jiraan caqabado ay ka mid yihiin dhibaatada hantida oo daba dheeraatay iyo tirada dadka oo hoos u dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM

Ra'iisul Wasaaraha UK oo ka hadlay cadaadiska canshuuraha Trump iyo mowqifka Greenland

Starmer, oo ay garab taagnaayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Yvette Cooper iyo Wasiirka Maaliyadda Rachel Reeves.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 09:36AM