Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya oo Ballanqaaday Xiriir Adag iyo Iskaashi Cusub

Image

Beijing, Shiinaha – Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa khamiistii kulan rasmi ah ku yeeshay Magaalada Beijing, halkaas oo ay si wadajir ah ugu ballanqaadeen inay xoojin doonaan xiriirkooda dhaqan-dhaqaale iyo iskaashi istiraatiiji ah, sida ay sheegeen warbaahinta dowladda ee labada dal.

Kulankan ayaa dhacay maalin kadib markii Kim uu ka qeyb galay xus milatari oo Shiinuhu u sameeyay 80-guurada dhammaadka Dagaalkii Labaad ee Adduunka, halkaas oo uu ka ag-fadhiyay madax kale oo caalami ah oo uu ka mid ahaa Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Kim Jong Un oo safar aan caadi ahayn uga baxay dalkiisa, ayaa socdaalkiisa ku tagay tareenkiisa gaarka ah, isagoo la socday gabadhiisa yar oo la rumeysan yahay inay noqon doonto hogaamiyaha mustaqbalka ee Waqooyiga Kuuriya.

Madaxweyne Xi ayaa sheegay in xiriirka “dostinimada dhaqameed” ee u dhexeeya Shiinaha iyo Kuuriyada Waqooyi uu yahay mid sal adag lehna muhiimad gaar ah, wuxuuna intaas ku daray in xiriirkaasi aanu is beddelin doonin xitaa haddii xaaladda caalamku ay is beddesho.

Warbaahinta rasmiga ah ee Waqooyiga Kuuriya (KCNA) ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay isla garteen in la kordhiyo booqashooyinka heerka sare ah, lana adkeeyo iskaashiga istiraatiijiga ah si loo ilaaliyo danahooda wadajirka ah ee gobolka iyo caalamkaba.

Kim Jong Un ayaa ka dhoofay Beijing fiidkii Khamiista isagoo dib ugu laabtay dalkiisa kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay Xi Jinping.

Inkasta oo Shiinuhu yahay ganacsadaha ugu weyn iyo saaxiibka ugu dhow ee Waqooyiga Kuuriya, haddana waxaa jiray shaki laga muujinayay sida ay u xooggan yihiin xiriirkooda, gaar ahaan xilliyadii dambe.

Kim ayaa safarkiisan u ahaa kii ugu horreeyay ee uu ku tago Shiinaha muddo lix sano ah, wuxuuna xuska Arbacadii la joogay 26 hoggaamiye caalami ah oo ka qeyb galay dabaaldegga Beijing, taasoo ahayd markii ugu horreysay ee uu Kim kasoo muuqdo munaasabad ay ka qeyb galayaan madax badan oo caalami ah tan iyo markii uu xilka la wareegay sanadkii 2011.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM

Shiinaha oo soo bandhigay awooddiisa ciidan xilli xiisad kala dhaxayso Mareykanka

Ciidamadeennu waa kuwo u taagan ilaalinta midnimada dhulka Shiinaha, ilaalinta danaha qaranka, iyo xasilinta gobolka.

  • Caalamka

    04-09-2025

  • 08:53AM