Shiinaha oo uga digay Maraykanka dulaanka Ukraine

Image
Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa dhankiisa wacad ku maray "waan ka adkaan doonaa" soo duulay Ruushka.

BEIJING, Shiinaha – Shiinaha ayaa mar kale uga digay Mareykanka inuu joojiyo faragelinta uu ku hayo arrimihiisa gudaha, isagoo sheegay in xiriirka labada quwadood uu marayo meel xasaasi ah.

Wasiirka difaaca Shiinaha Wei Fenghe oo ka hadlayay shirka amniga ee Singapore, ayaa sheegay in Beijing ay dagaalami doonto ilaa dhamaadka waa sida uu hadalka u dhigaye haddii ay cid isku dayo iney Taiwan ka go'yso dal weynaha Shiinaha.

Hadalka Wei ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, uu dhaleeceeyay waxa uu ugu yeeray habka gardarrada ah ee ay Beijing ay u wajaheyso sheegashaheeda dhuleed iyo dhaqdhaqaaqa ay xasillooni darro uga abuureyso deegaanno u dhow Taiwan.

Dagaalka Ukraine mar uu ka hadlayeyna, Mr Wei waxa uu sheegay in Shiinuhu waligiis aanu taageero miltari siinin Ruushka, oo Beijing ay taageereyso wadahadallo dhexmara Ruushka iyo Ukraine.

Dhanka kale Sarkaal ku sugan gobolka koonfureed ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Kyiv "ay ka baxeen ammi" xilli ay dagaallo kula jiraan ciidamada Ruushka. 

Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy ayaa dhankiisa wacad ku maray "waan ka adkaan doonaa" soo duulay Ruushka.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo Ukraine sheegtay in ilaa 800 oo qof ay ku dhuumaaleysanayaan warshadda Azot ee magaalada go’doonsan ee Severodonetsk. Ciidamada Ruushka ayaa diyaarinaya weerar cusub oo ka dhan ah magaalada Sloviansk, sida uu sheegay militariga Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM