​Shil dhimasho sababay oo ka dhacay New Jersey, USA

Image
Image
Image
Image

Saddex ruux ayaa lagusoo waramayaa inay geeriyoodeen islamarkaana ay dhaawacmeen in kabadan Boqol qof kadib markii Tareen uu ku dhacay darbi dadku tigidhada ka qaataan.

Shilkan ayaa ka dhacay magaalada New Jersey ee dalka Maraykanka.

Afhayeenka New Jersey Transit, Jennifer Nelson, ayaa wariyayaasha u sheegtay in 20 baabuurta caafimaadka ay dadka dhaawaca isbitaalka u qaaday.

Lama oga sababta keentay inuu Tareenku ku dhaco Darbiga, balse wuxuu kusoo aaday xilli dad badan jaranayeen tigidho ay ku raaci lahaayeen tareeno aada Manhatta.

Mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta shilku ka dhacay, oo lagu magacaabo Ben Fairclough, ayaa BBC-da u sheegay in tareeenka uu u ekaa mid jidka ka baxay.

Burbur xooggan ayaa soo gaaray dhismayaashii halkaasi ka agdhawaa iyo qaybo kamid ah tareenka.

Kooxaha gurmadka ayaa wali ku howllan sidii loo samata bixin lahaa dadkii waxyeelladu soo gaartay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM