Shilka diyaaradeed ee Bardaale oo hurinaya xiisada Kenya iyo Itoobiya
NAIROBI, Kenya – Soomaaliya ayaa mar kale qabsaneysa bogaga hore ee jaraa'idka caalamka markii diyaarad nooca yar-yar ee xamuulka ah lagana leeyahay Kenya ay ku dhacday koonfurta dalka.
Shilkaas oo lala xiriiriyey ciidamada Itoobiya ayaa galabnimadii Isniinta ka dhacay magaalada Bardaale ee Koonfur Galbeed. Warbixino horudhac ah waxay tibaaxayaan in diyaarada lasoo riday.
Iyaddoo dhinacyadda kale ay wali ka gaabsanayaan arrintaan, milatariga Itoobiya ayaa tibaaxay in uusan war u ahayn arrintan lagu eedeynayo, taas oo lagu tilmaamay in ay tahay "iska indhatirid ah".
Dhowr illo wareed oo kala duwan ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in diyaaradda lagu dhuftay lidka diyaaradaha ee Zuu.
Ciidamadda Itoobiya oo saldhig ku leh nawaaxiga meesha ay wax ka dhaceen ayaa gebi ahaanba xiray goobta daqiiqado kadib falkaas.
Mareykanka ayaa horey uga digay awood gacan ku sameys ah oo maleeyshiyaadka Al-Shabaab kusoo ridaan diyaarad. Xoogaga hubeysan waxay joogitaan ku leeyihiin magaalooyinka Koonfur Galbeed.
Falanqeeyeyaasha ayaa rumeysan in shilkaan uu holac kusii shidi karo xilfaatanka xukuumada Addis Ababa iyo Nairobi, oo sanadihii lasoo dhaafay ahaa mid meel adag maraya gaar ahaan siyaasada iyo dhaqaalaha.
Rashid Cabdi, oo ka faalooda arrimaha Geeska Afrika oo ka digay qad-cagaaran oo ka dhalata dhacdadaan, ayaa aaminsan in sababta hurineysa xiisadda ay aagaas ay maamulaan ciidamadda Itoobiyaanka ah.
"Kenya iyo Itoobiya ayaa u karaar-qaadanaya dagaal. Aag ay maamulaan ciidamo Itoobiyaan ah in ay kusoo dhacdo diyaarad ganacsi oo Kenya laga leeyahay waxay muujineysaa hoos u dhac cusub," ayuu ku yiri Twitter-ka.
Wuxuu hadalkiisa intaas raaciyay: "Waa daneysi iyo fuleynimo in Soomaaliyada daciifta ah lagu dhul-dheelo ciyaaraha isku-adeegsiga".
Illaa iyo haatan, ma jiro war rasmi ah oo dowladdaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya ay kasoo saareen dhacdadaas galaaftay lix qof oo saarnaa diyaaradda oo shixnad gargaar caafimaad ka qaadey Muqdisho.
Diyaaradda oo sumadeedu ahayd E120 ayaa ku duuleysay 2,294 fiit, waxayna u jirtay dhabaha cagadhigashadda saddex daqiiqo markii uu ku dhacay Zuuga dhaliyey in ay si deg-deg ah kusoo dhacdo.
GAROWE ONLINE