​Shir golaha guud ee QM uga furmaya New York

Image

Waxaa maanta lagu wada in magaalada New York ee dalka Maraykanka uu ka furmo shirka guud ee golaha Qaramada Midoobay, kasoo ay kasoo qayb galayaan madax kasocota waddamada caalamka, Ergooyin iyo madax hay'adeed.

Qaban qaabo xooggan ayaa lag dareemaya fadhiga Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxaana khudbado kala duwan ka jeedin doono dhammaan mas'uuliyiinta shirkaasi lagu casuumay.

Kulanka, ayaa markii ugu horraysay diiradda lagu saari doonaa Qaxootiga iyo qulqulka Tahriibayaasha caalamka.

Madaxda iyo diblomaasiyiinta shirka tagaya ayaa ka rajo qaba in la meelmariyo sharci ujeedkiisu yahay in dalalka ku bahoobay United Nation-ka isu xilqaamaan sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda Tahriibayaasha iyo Qaxootiga.

Madax kasocota dalka Somalia ayaa ku sugan magaalada New York, waxaana kamid ah wasiirka Arrimaha Dibadda iyo danjiraha u fadhiya dalka Maraykanka.

Hadliye ayaa lagu wadaa inuu 24 bishan shirkaasi kajeediyo khudbad la xiriirta xaaladda Qaxootiga Somaliyeed, maadama Kenya wado qorshe lagu xirayo xerada ugu weyn ee Dhadhaab, taasoo ay ku jireen kumanaan kun qoysas Somaliyeed.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu galabta gaaro madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhinaca kale, waxaa la adkeeyay ammaanka magaalada shirku ka dhacayo ee New York, waxaana waddooyinka la dhoobay Booliis aad u badan kuwaasoo lagusoo daad gureeyay kadib qaraxii dhacay habeenkii Axadda ee 18 September, 2016.

Kulankan ayaa muhiimad gooni ah u yeelan doona in kabadan 65 Million oo ku barakacay dunida wixii ka dambeeyay dagaalkii Labaad ee caalamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM