​Shir madaxeedka Afrika iyo Japan oo furmay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

Waxaa magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya ka furmay shir madaxeedka Afrika iyo Japan kaasoo diiradda lagu saari doono dhinaca dhaqaalaha, wuxuuna socon doonaan muddo labo maalmood ah.

Ra'isal wasaaraha Japan oo ay weheliyaan 75 kamid ah ganacsatada waaweyn ee dalkaas iyo madaxda Afrika ayaa kulanka kasoo qayb galay.

Ra'iisal-wasaaraha dalka Japan, Shinzo Abe, ayaa ballan qaaday in uu qaaradda Afrika gelin doono 30 bilyan oo doolar oo gargaar ah marka la gaaro 2018-ka.

Abe wuxuu sheegay in u jeedadu ay tahay in sare loo qaado xiriirka ganacsiga ee dalkiisu la leehay Afrika.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli waayadii dambe sare u kac ku yimi Ahmiyadda Japan siinayso qaaradda iyadoo ay soo baxayeen maalgashiyo kala duwan oo uu ka sameeyay waddamada qaaradda qaybtood.

Waxaa dhinaca kale bar-bar socda loollan ay wadaan waddamada Shiinaha iyo Turkiga..

Shiinaha ayaa badeecooyin kala duwan usoo iib geeya gobolka wuxuuna ballan qaaday inuu tayadooda haagaajin doono.

Gabagabada shirkan ayaa laga soo saari doona waxyaabo dhinacyadu ku hishiiyeen.

Waa markii ugu horreysay oo kullankan lagu qabto meel ka baxsan Japan.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM