​Shirkadda Samsung oo bilowday iibinta Note Seven

Image

Shirkadda Samsung ayaa bilowday inay dib u iibiso taleefonka Note Seven oo bil ka hor loo joojiyay cilad ah inuu ku qarxay dadkii iibsaday.

Samsung ayaa bilowday in suuqyada dalka Kuuriyada Koonfureed ku iibiso telefoonka.

Waxay sheegtay in ciladdu ahayd dhinaca Batariga, sidaas darteed iminka la hagaajiyay oo lagusoo badalay mid wanaagsan.

Ku dhawaad laba milyan iyo bar telefoonnada noocaas ah ayaa laga soo celiyay suuqyada caalamka.

Waxay dadaal u gashay inaysan cillad dambe kusoo noqon maadama arrintani saamayn ku yeelatay sumcadeeda iyo dhaqaalaha intaba.

Shirkadaha duulimaadyada ayaa ku wargeliyay rakaabkooda, in aanay gudaha diyaaradaha ku dhex daarin telefoonka Galaxy Note-Seven.

Waxaa jira telefoonno noocaasi ah oo weli ayagoo cilladeysan ay dadku wataan, sidaa awgeedna ma cadda goorta ay diyaaradaha qaadi doonaan xannibaada ay saareen Galaxy Note-Seven.

Dadka ku nool daafaha caalamka ayaa aad u danaynayay inay qaataan Note 7 balse cilladan ayaa kalsooni darro badan abuurtay, taasoo kaliftay in macaamiil badan u wareegaan shirkado kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga, Pakistan iyo Sacuudiga oo Ka Wada Hadlaya Heshiis Difaac

Harraj ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in hindisaha heshiiskan saddex-..

  • Caalamka

    16-01-2026

  • 07:54AM

Soomaaliya oo kamid noqotay 75 dal oo saameeyay go'aan cusub oo Trump soo saaray

Liiska dalalka waxaa ku jira waddamo ka kala tirsan qaaradaha Afrika, Aasiya, Latin America, Bariga Dhexe iyo Yurub.

  • Caalamka

    15-01-2026

  • 06:32PM