Shirkii La Sugayay ee Trump iyo Putin oo Ku Soo Dhammaaday Natiijo La’aan

Image

Alaska, USA – Shir si weyn loo filayay oo dhex maray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, ayaa ku soo dhammaaday iyada oo aan wax heshiis ah laga gaarin sidii loo joojin lahaa dagaalka Moscow ay ka waddo dalka Ukraine. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump ayaa sheegay in "horumar weyn" laga sameeyay wada-hadallada ka dhacay Alaska.

Khubaro arrimaha diblomaasiyadda ayaa tilmaamay in shirkan uu Vladimir Putin u ahaa “guul diblomaasiyadeed,” kadib sannado uu Ruushku go’doon kaga jiray reer Galbeedka tan iyo duullaankii buuxa ee uu ku qaaday Ukraine sanadkii 2022.

Putin ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay saldhig ciidan oo Mareykan ah oo ku yaalla magaalada Anchorage ee gobolka Alaska, halkaas oo uu ku galay gacan qaad iyo wejiyo furan oo uu kala kulmay Trump.

Shirkan wuxuu ahaa kii ugu horreeyay ee Putin uu tallaabo ku dhigto dhul reer Galbeed tan iyo markii uu bilaabay weerarka Ukraine, wuxuuna farqi weyn u dhaxeyay soo dhoweynta loo sameeyay Putin iyo qaabka qabow ee Trump uu u wajahay Madaxweyne Volodymyr Zelenskyy markii uu booqday Aqalka Cad bishii Febraayo ee sanadkan.

In kasta oo aan heshiis rasmi ah laga gaarin dagaalka Ukraine, haddana kulanka ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbeddelka xiriirka u dhexeeya Moscow iyo Washington.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo markii ugu horreysay yeelatay Ra’iisul Wasaare dumar ah

Takaichi ayaa sidoo kale sheegtay in ay doonayso in ay dib u soo noolayso sumcadda xisbiga LDP.

  • Caalamka

    04-10-2025

  • 12:32PM

Netanyahu oo ka raali-geliyay Qatar weerarkii Doha

Ugu yaraan shan xubnood oo heer hoose ah oo ka tirsan Hamas iyo sarkaal amni oo Qatari ah.

  • Caalamka

    30-09-2025

  • 11:10AM