Sidee Muuse Biixi iyo wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Berbere? [DAAWO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BERBERA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray magaalada Berbera ee xarunta gobolka Togdheer, halkaasi oo ay soo dhawayn diiran ka helay shacabka iyo madaxda gobolka.

Wefdi waxaa qayb ka ah wasiiro, mas'uuliyiin ka tirsan madaxtooyadda iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye, waxaana loo galbiyay dhinaca goob loogu talagalay inay kusii nagadaan inta ay booqashada ku joogaan magaalada.

Afhayeenka Madaxwayne Biixi, mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo war-fidiyeenka u waramay wuxuu fahfaahin uu ka bixiyay ujeedka uu daaran yahay safarka Muuse, kaasi oo kusoo aadan xili xasaasi ah. 

"Wefdiga madaxweynaha iyo safarkiisu waxa uu daarran yahay inuu u kuurgalo xaaladaha kala duwan ee deegaannadan iyo gobolkan ka jira,” ayuu Afhayeenka oo aan sheegin mudada ay qaadan doonto socdalka.

Safarka Madaxwayne Muuse Biixi uu ku tegay magaalada Berbera ayaa kusoo aadeysa xili xisbiyada ay wadaan kacdoon ka dhan ah maamulka haatan jira, iyaga oo ku dhawaaqay shirwayne ay uga tashanayaa xisbiga talada haya.

Si lamid ah, booqashada ayaa imaaneysa xili la filayo inuu si rasmi ah ubilowdo mashruucii balaarinta dekada Berbera, taasi oo ay shirkada DP World horaantii bishaan shaacisay inuu marayo heerkii ugu dambeeyay fulintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM