Hooyo talaaban qaaday markii uu qarxay gaari ay caruur u saarneed

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hooyo ayaa go’aan aan suurtagal ahayn qaadatay markii uu qarxay gaari ay saarneed caruurteeda xili ay tukaameysi kasoo laabatay.

Caruurta gaariga saarneed ayaa waxay gaareysaa labo Ubad, kuwaasi oo mid kamid ah uu hurdayay xiliga uu shilku dhacayay.

"Waxay ahayd habeenkii ugu xumeed nolasheyda," ayay tiri Emily Smith, taasoo u warantay warbaahinta Hull Live.

Dhacdadaan ayaa todobaadkii hore ka dhacday meel ku dhow suuqa tukaameysi ee Tesco.

"Dabka wuxuu ahaa mid si xowli ah ku socday…isla markiiba aan arkay waxaan kala doortay caruurteyda iyo in aan gurmad u qaylo dhaamiyo," ayay raacisay.

Ilmaha mid kamid ah waa wiil, kaasoo lagu magacaabo Emmy-Leigh, isla markaana 3-sano jir ah, iyo midka kale oo gabar ah, Joseph, 11-sano jir tahay.

"Aniga furaya albaabka gaariga ayuu dabku kacay…mid kamid ah caruurteyda wuu hurday…kursiga dambe ayuuna jiifay, midka horey ayaana soo dafay," ayay tiri.

Emily Smith ayaa intaasi ku dartay in cunuga kale ee jiifay kursiga dambe ay u soo badbaadiyeen dad ay gurmad waydiisatay.

Wali lama ogga waxay dhaliyay dabka ka kacay gaariga, balse dab-damiska oo si deg deg uga soo fal-celiyay ayaa ku guuleystay in ay baq-tiijiyaan.

"Wax kasta oo aan lahaa gaariga ayay saarnaayeen, wayna gubteen...ma haysanin isla habeenkaasi wax lacag ah balse shirkada ayaa i caawisay," ayay xustay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM