Siduu madaxwaynaha Comoros kaga badbaaday isku day dil?

Image

MORONI, - Comoros Madaxwaynaha Jaziirada Comoros ayaa Khamiistii ka badbaaday isku day la doonayay in la kharaajiyo xili uu ku guda jiray mid kamid ah isu soo baxyada doorashada 24-ka Maaj, sida uu sheegay madaxa ol'olahiisa.

"Dad ayaa walxaha qarxa uga tegay buurta dushiisa oo rabay in ay qaraxdo marka kolanyada madaxwaynaha mareyso halkaasi," ayuu Houmed Msaidie, madaxa ol'olaha ee Azali Assoumani.

Hasayeeshee, mucaaradka oo ku adkeysanaya in shilka oo ka dhacay jaziiradda Anjouan, halkaasoo uu madaxwayne Azali Assoumani kasoo tegay isaga oo aan ka arag, uu yahay mid aanan "lagu kalsoonaan karin".

Jaziirada dhacda Badwaynta Hindiya ee bariga Afrika ayaa in-dhowaanahaaba ka taagneed xiisad, taasoo timid markii afti la qaaday ay ugu codeeyeen shacabka in Azali uu xilka siiyo hayo illaa 2029.

Xiisada ayaa sii xoogeysatay markii sanadkii hore kooxo hubeysan ay Jaziirada Anjouan ka bilaabeen kacdoon ka dhan ah guusha uu madaxwayne Azali ka helay aftida dadwayn.

"Gaariga madaxwaynaha daqiiqad ayaa la hakiyay," ayuu Houmed Msaidie hadalkiisa ku daray, sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka ee AFP.

Aaladaha laga sameeyo walxaha qarxa ayaa goobta laga soo helay, sida uu ka dhawaajiyay Msaidie, oo intaasi raaciyay in ay xigtay dhawaqa qarax, taasoo ilaalada Azali ay uga shakiyeen weerar madaafiic.

"Cidna ma aysan wax ku noqon isku day dilka...taasoo ujeedkoodu ahaa in dib loo dhigo doorashada," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Isaga oo sii hadlaya ayuu balanqaaday in doorashadu ay qaboomi doonto, inkasta ay jiraan wax uu ku tilmaamay "cabsi gelin".

Geesta kale, Ibrahim Mohamed Soule, madaxa ol'olaha ee isbaheysiga Juwa, ayaa ku eedeeyay kooxda Azali "abuurista weerar been abuur ah ama shilal been ah, taasoo ka hor istaageysa shacabka in ay si xor ah u codeeyaan".

Ibraahim ayaa hadalkiisa raaciyay in hadii la xaqiijiyo warkaan ay cambaareeyn doonan, isaga oo ku daray "Maxaa yeelay waxaa kaliya loo baahan yahay in dagaalka uu ka dhaco sanduuqda cod-bixinta".

Azali, kaasoo marka hore sanadkii 1999-kii awooda ku qabsaday isagoo diidan afgambi markaasoo uu noqday ku simaha madaxwaynaha, ayaa mar kale la doortay 2006, cod-bixin uu hal xisbi ka qeybgalay.

Kadib markii mar kale loo dooray xafiiska 2016-kii, dadka naqdiya siyaasada Azali ayaa ku tilmaamay mid kaliye taliye ah, eedayn uu gaashaanka ku dhuftay madaxwaynahaan 60-sano jirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM