South Sudan oo wajahaysa "xaaladii ugu xumeyd" ee bini'aadanimo

Image
Guddigan ayaa waxay muujiyeen "walaac" iyo "walbahaar qoto-dheer" oo ay ka qabaan weerarrada qowmiyadaha.

NAIROBI, Kenya - Rabshadaha ka socda Koonfurta Suudaan ayaa ah mid ka mid ah xasaradaha bini'aadantinimo ee ugu xun caalamka, sida ay sheegeen guddi khubaro ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Guddigan ayaa waxay muujiyeen "walaac" iyo "walbahaar qoto-dheer" oo ay ka qabaan weerarrada qowmiyadeed ee ka dhacaya meelo ka baxsan caasimadda Juba.

"Xaaladdan ka jirta Koonfurta Suudaan waa mid ka mid ah xasaradaha xuquuqul insaanka iyo bini'aadantinimo ee ugu weyn ee dunidu soo food saartay," Barney Afako, oo xubin ka ah guddiga, ayaa u sheegay warfidiyeenka.

Wuxuu raaciyey: "Dhibaatada dalka oo dhan ayaa weli ah mid aad u weyn. Haweenka iyo gabdhaha Koonfurta Suudaan waxay la kulmayaan xad-gudubyo dhanka jinsiga ah oo aan la sheegi karin".

Afako oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku booriyay dowladda in ay muhiimadda koowaad siiso nabadda, isla markaana ay soo afjarto colaadaha soo noqnoqday ee dalka ka socda.

Pope Francis oo dhowaan tagay ku tagay waddankan ayaa codsi kan la mid ah uu ku jeediyay isla booqashadiisa taariikhiga ah horaantii bishaan, laakiin rabshadaha ayaa sii faafaya mana muuqato xal waara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM