Spain oo xukun adag ku riday hogaamiyeyaal gooni u goosad ah

Image

MADRDI, Spain – Maxkamadda Sarre ee Spain ayaa min 13-sano oo xabsi ah waxay ku xukuntay hogaamiyeyaal gooni u goosad u raadinayey gobolka Catalonian ee wadankaas.

Shaqsiyaadkan oo tiradoodu ay gaareyso 12 ayaa waxay kamid ahaa ragga ugu cad-cad ismaamulkaas.

Xafiiska xeer-ilaalinta ayaa kusoo eedeeyay isku day ku aadan in ay kala qeyb-biyaan guud ahaan dalka.

Xukunkan ayaa yimid in ka badan laba sano kadib markii afti la qabtay bishii October ee 2017-kii ay xubnahan ku dhawaaqeen in gobolkan dhaca waqooyi bari uu madax banaan yahay.

Aftida ayaa natiijada kasoo baxday waxay noqotay mid ay u badatay dhanka "Haa" oo go'itaanka ah.

Dowladda Spain oo sharci darro ku tilmaamtay ayaa eedeysay rag uu ku jiro Oriol Junqueras, madaweyne ku xigeenkii hore ee gobolkaas oo caasimadiisu tahay magaalada Barcelona.

Intii ay socotay maxkamadeynta, ku dhowaad 600 marqaariteyaal oo uu kamid yahay Mariano Rajoy, mas'uul hore oo xafiiska joogay markii aftidu dhaceysay, ayaa looga yeeray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM