Sucuudiga iyo xulafadiisa oo mar labaad duqeymo ka fuliyey Yemen

Image

March 26, 2015 (GO)- Diyaaradaha dagaalka ee boqortooyada Sucuudiga iyo dhowr dal oo kale oo ka tirsan Khaliijka iyo Jaamacadda Carabta ayaa maanta mar kale duqeeyey fariisimaha mileeshiyaadka Xuuthiga.

Wakaaladda wararka Sucuudiga oo soo xiganeysa mas'uuliyiin ka tirsan militeriga dalkaas ayaa baahisey in duqeymahan lagu burburiyey dhammaan difaacyadii dhanka cirka ee Xuuthiyiinta islamarkaana lagu gubey afar diyaaradood oo kuwa dagaalka ah iyo beteriyada ku rakiban goobaha gantaalaha Sam-ka loo yaqaano laga rido.

Khasaaraha nafeed ee ilaa iyo hadda la ogyahay ayaa gaaraya dhimashada 18 qof iyo dhaawac soo gaarey ku dhowaad konton qof oo kale.

Hawgalka ka dhanka ah mileeshiyaadka Xuuthiga oo loogu magac daray (Duufaanta kala baxa) waxaa ka qayb qaadanaya ku dhowaad toban dal oo kala ah: Saudi Arabia, UAE, Kuwait,  Bahrain, Qatar, Egypt, Jordan iyo Sudan.

Wadamada Marocco iyo Pakistan ayaa la filayaa inay hawlgalkan kusoo biraan, waxase hawlgalkan ka gaabsadey dalka Oman oo Yemen ay deris yihiin.

Reer galbeedka ayaa soo dhoweeyey tallaabadan, balse dowladda Iran ayaa kasoo horjeedsatey kuna baaqdey in si dhaqso ah loo joojiyo faragelinta militeri ee Yemen lagu hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Erdogan oo Dib u Dhigay Booqasho uu ku tagi lahaa Imaaraadka Carabta

Dowladda Imaaraadka illaa hadda kama hadlin wararka ku saabsan xanuunka Madaxweynaha, oo warbaahinta caalamka waa ka qoreen.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 08:04PM

Obama: Muuqaalka cunsuriyad ah wuxuu muujinayaa "Xishood la'aanta Trump"

Obama ayaa arrimahan kaga hadlay wareysi uu siiyay Brian Tyler Cohen oo caan ku ah barnaamijyada Podcast-yada.

  • Caalamka

    15-02-2026

  • 09:24AM