Suudaan oo talaabo u qaadey maxkaamdeynta Al-Bashiir
KHARTUUM, Sudan - Golaha wasiirrada Suudaan ayaa u codeeyay in la ansixiyo heshiiska lagu yagleelayo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC), tallaabadaas oo soo dadejineysa suurtogalnimada in madaxweynihii hore ee muddada dheer xukumaayey waddankaas Cumar al-Bashiir in uu wajahayo dacwad la xiriirta xasuuq iyo dambiyo ka dhan ah bini'aadanimada.
Ra'iisul wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in hindise sharciyeedka ka mid noqoshada xeerka Rome ee maxkamadda fadhigeedu yahay Hague lagu ansixiyay "si wadajir ah".
Kadib markii ay milatarigu xukunka ka tuureen Al-Bashiir sannadkii 2019-kii, ka dib mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeeday xukunkiisa, Suudaan waxaa hoggaaminayey maamul rayid iyo milateri oo ku-meel-gaar ah oo ballan-qaaday inuu caddaaladda horkeeni doono dhibbanayaashii dambiyada uu ka galay madaxweynihii hore.
Suudaan weli ma magacaabin gole sharci-dejin, laakiin go'aanka weli wuxuu u baahan yahay oggolaanshaha golaha madaxbannaan, oo ah hay'ad milateri iyo rayid wada jir ah oo ah awoodda ugu sarreysa dalka waxaana loo xilsaaray inay horseedaan doorasho xor ah oo xalaal ah.
Xamduuk ayaa shaaca ka dhigay inuu jiri doono kulan wadajir ah oo u dhexeeya golaha talada haya iyo golaha wasiirrada si "loo meel mariyo sharciga". Golaha wasiirradu ma bixin waqti cayiman oo lagu ansixiyo.
"Caddaaladda iyo la-xisaabtanka ayaa saldhig adag u ah Suudaanta cusub, oo ku saleysan sharciga oo aan ku dadaaleyno inaan dhisno," ayuu yiri Hamdok laakiin ma bixin faahfaahin intaas ka badan oo ku saabsan waxa ku biiritaanka ICC ay ka dhigan tahay marka la eego maxkamadeynta Al-Bashiir iyo kuwa kale.
Dadka Suudaaniga ah ee ay maxkamaddu doonayso in lagu maxkamadeeyo gudaha Suudaan ama Hague. Al-Bashiir ayay maxkamadda ICC dooneysaa in uu wajaho dambiyo xasuuq, dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la xiriira colaaddii Darfur.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 300,000 oo qof ay ku dhinteen 2.5 milyan oo kalena ay ku barakaceen dagaalka, kaas oo qarxay 2003-dii markaas oo inta badan falaagada aan carabta ahayn ay weerareen dowladda dhexe ee ay Carabtu maamusho kuna sugneyd caasimadda Khartoum, iyagoo ku eedeeyey in siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba la midab-takooray.
GAROWE ONLINE