​Suudaanta Koofureed oo diiday ciidamo dheeraad ah

Image

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa kasoo horjeesatay ciidamo dheeraad ah oo loo diray waddankaasi, waxayna ku doodeen inay haystaan ciidamo ku filan amniga iyo kala dambaynta.

Safiirka Suudaanta Koofureed u qaabilsan Midowga Afrika iyo IGAd, James Pitia Morgan, oo hadalkaasi sheegay ayaa xusay in dalkooda uu madax banaanyahay islamarkaana aqbalikarin farogelin dheeraad ah.

Waxay sidoo kale kasoo horjeestay cunuqabatayn uu ku baaqay xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban ki Moon, kaasoo sheegay in waddankaasi la saaro xayiraad dhinaca hubka ah.

Shirka madaxda Afrika ee ka socda Kigali ayaa la filayaa in laga soo saaro go'aamo arrintaasi la xiriira.

Dalalka qaar waxay ku talinayaan in ciidamada labada dhinac ee ishaya lakala fogeeyo, ciidammo nabad ilaalin ahna lakala dhex dhigo.

Colaaddan ayaa salka ku haysa khilaafka ka dhex-taagan labada mas'uul ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka dowladda Koonfurta Sudan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo dalalka ka dalbaday $1 bilyan si ay ugu biiraan guddigiisa nabadda Gaza

Israel ayaa si adag uga horyimid guddigan, iyadoo sheegtay in magacaabista aan lala xiriirin mas’uuliyiinta Israel.

  • Caalamka

    18-01-2026

  • 12:57PM

Trump oo Ku Hanjabay Canshuuro Cusub oo ka Dhan ah Yurub, Kuna Xiray Arrinta Greenland

Trump, oo marar badan muujiyay rabitaankiisa ah in Mareykanku la wareego Greenland …

  • Caalamka

    17-01-2026

  • 06:32PM