Suuriyaan weerar ka fuliyay Jarmalka

Image

Nin Suuriyaan ah ayaa waxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee goob uu ka dhacayay bandhig musig koonfurta Jarmalka, ninkaasi ayaa halkaa ku dhintay waxa uuse dhaawacay 12 qof oo kale.

Goobta ayaa isla markiiba xayndaab lagu wareerijay, iyadoo dayuuradaha qummaatiga u kaca ee boolisku dul heehaabayeen.

In ka badan 2000 oo qof oo bandhigaasi joogay ayaa la daadgureeyay.

Ninkan weerrarkan gaystay ayuu Jarmalku sanad ka hor u diiday magangalyo hasayeeshee waxaa ay siiyeen ogolaansho uu si kumeel gaar ah dalka ugu sii joogi karo.

Waa weerrarkii saddexaad ee muddo todobaad ah gudahii ka dhacay gobolka Bavaria, iyadoo 27 jirkan uu isqarxiyay kaddib markii loo diiday inuu galo xafladda ka dhacaysay magaalada Ansbach.

Dhanka kalana booliska ayaa xiray nin magangalyo doon ah oo Suuriyaan ah kaddib markii weerar loo adeegsaday faash ama baangad lagu dilay haweenay laba qof oo kalana lagu dhaawacay.

Weerarkan oo ka dhacay magaalada koonfureed ee Reutlingen ayaan ujeedadiisu weli caddayn, laakiin booliska ayaa sheegayay in aanay weli haynin caddayn muujinaysa in argagixisonimo lala xidhiidhin karo.

BBC

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM