Suuriyaan weerar ka fuliyay Jarmalka

Image

Nin Suuriyaan ah ayaa waxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee goob uu ka dhacayay bandhig musig koonfurta Jarmalka, ninkaasi ayaa halkaa ku dhintay waxa uuse dhaawacay 12 qof oo kale.

Goobta ayaa isla markiiba xayndaab lagu wareerijay, iyadoo dayuuradaha qummaatiga u kaca ee boolisku dul heehaabayeen.

In ka badan 2000 oo qof oo bandhigaasi joogay ayaa la daadgureeyay.

Ninkan weerrarkan gaystay ayuu Jarmalku sanad ka hor u diiday magangalyo hasayeeshee waxaa ay siiyeen ogolaansho uu si kumeel gaar ah dalka ugu sii joogi karo.

Waa weerrarkii saddexaad ee muddo todobaad ah gudahii ka dhacay gobolka Bavaria, iyadoo 27 jirkan uu isqarxiyay kaddib markii loo diiday inuu galo xafladda ka dhacaysay magaalada Ansbach.

Dhanka kalana booliska ayaa xiray nin magangalyo doon ah oo Suuriyaan ah kaddib markii weerar loo adeegsaday faash ama baangad lagu dilay haweenay laba qof oo kalana lagu dhaawacay.

Weerarkan oo ka dhacay magaalada koonfureed ee Reutlingen ayaan ujeedadiisu weli caddayn, laakiin booliska ayaa sheegayay in aanay weli haynin caddayn muujinaysa in argagixisonimo lala xidhiidhin karo.

BBC

Related Articles

NASA: Afar Cirbixiyeen Oo Si Nabad Ah Uga Soo Laabtay Safar Ay Ku Tageen Dayaxa

Howlgalka Artemis II wuxuu jebiyey rikoor hore oo masaafo ah, isagoo ka fogaadey…

  • Caalamka

    11-04-2026

  • 02:17AM

Trump oo dalbaday in la yareeyo duqeymaha Lubnaan, xilli wadahadallo la filayo

Trump ayaa hadalkan sheegay Khamiistii, xilli uu wareysi kooban siiyey NBC News, isagoo…

  • Caalamka

    09-04-2026

  • 09:12PM