Suurtagal ma tahay in Putin lagu xiro dalka Brazil?

Image

NEW DELHI, Hindiya - Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa Sabtidii sheegay in dhigiisa Ruushka Vladimir Putin aan la xiri doonin hadii uu ka qeyb galo shirka G20, ee sanadka soo socda lagu wado inuu ka dhaco Brazil

Isagoo ka hadlayay kulanka G-20 ee New Delhi, ayuu Lula sheegay in Putin lagu casuumi doono inuu ka soo qeyb galo shir madaxeedka sanadka soo socda.

Wuxuu intaas ku daray in isaga laftiisa uu qorsheynayo inuu ka qeyb galo shirka BRICS ee dalalka soo koraya, kaasoo lagu wado in lagu qabto Ruushka ka hor kulanka Rio.

"Waxay ila tahay in Putin uu si fudud ku aadi karo Brazil, suurtagal ma ahan in lagu xiro intaan madaxweyne ka ahay" ayuu yiri Lula

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa hore usoo saartay amar lagu soo xirayo Putin bishii Maarso, iyadoo ku eedeysay inuu galay dambi dagaal kadib markii uu si sharci darro ah uga musaafuriyay Ukraine boqolaal carruur ah.

Halka Ruushka ay beeniyeen in ciidamadooda ay ku lug leeyihiin dambiyo dagaal ama ay si qasab ah ku kaxeysteen caruur u dhalatay Ukraine.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM